Guddiga doorashada oo ay mushahar la’aan ku dhacday kadib go’aan ay qaadatay beesha caalamka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka heer federaal (FEIT) ayaa maanta shaaciyay in guddiyada doorashada aysan qaadanin mushaarkoodii saddexdii bil ee u dambeysay, maadama aysan soo wada gaarin kharashaadkii loogu tala-galay doorashada.

Afhayeenka guddiga doorashooyinka Soomaaliya Axmed Safiina oo la hadlay BBC ayaa sheegay in guddiga doorashada ay soo food saartay dhaqaale yari baahsan, hase yeeshe ay doorashada dalka ku wadan si dardar leh.

“Mushaaraadka ay qaateen (guddiyada) waxaa ugu dambeysay bishii October, saddex bilood iyo bisha afaraad ee hadda socotaba may soo bixin, shuruud ayay ku xireen beesha caalamka oo ah in aan soo saarno saddex meelood oo labo dalool, in qoondadii haweenka la dhameystiro iyo shuruud noocaas ah ayay ku xireen, illaa haddana ma dhameystirmin,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray in mushaaraadka guddiyada doorashooyinka iyo huteelada ay degan yihiin ay bixineysay Hay’adda UNDP, oo illaa hadda aan bixin saddexdii bilood ee u dambeeyay, taasi oo qeyb ka ah culeyska lagu saarayo guddiyada inay dadajiyaan doorashada.

“Guddiga miisaaniyadii dhaqaale ee uu dejiyay waxay aheyd 26 Milyan, waxaana la bixiyay 7 Milyan oo hordhac ah oo ay ku deeqday beesha caalamka, waxaana kharashaadka ka imanaya beesha caalamka lagu dabarayay musharaadka guddiyada oo ka badan 120 Komishaner.”

Afhayeen Safiina ayaa sheegay in marnaba aysan doorashada u istaagi doonin dhaqaale yarida soo wajahday guddiyada doorashada, ayna dadajin doonaan doorashooyinka, gaar ahaan midda Golaha Shacabka oo loo go’aamiyay in lasoo gabagabeeyo 25-ka bishaan.

“Waxaa rajeynayna in caqabadaas laga gudbi doono, guddiyada doorashooyinka waxay ku niyadsan yihiin in dalkooda iyo shacabkooda, doorashada uma joogsan doonto dhaqaale la’aan. Ilaahay idamkiina wey heli doonaan guddiyada doorashooyinka xaqooda.”

Hadalka Afhayeenka ayaa imanaya xilli ay maalmihii u dambeeyay soo baxayeen warar sheegaya in guddiga ay soo food saartay dhaqaale la’aan, taasi oo walaac looga muujinayay in gaabis ku keento sida ay u socoto doorashada, hase yeeshe guddiga ayaa midaasi meesha ka saaray.

Si kastaba, Beesha caalamka ayaa aad indhaha ugu haysa doorashada ka socota dalka, ayada oo dhowr jeerna ku goodisay inay tallaabooyin qaadi doonaan haddii uu dib u dhac kale ku yimaado, waxayna cadaadis ku saaraysa dhinacyada in la dadajiyo.