Guddiga doorashada oo hal mid ka dalbaday madaxda maamul goboleeedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer Federaal, Maxamed Xasan Cirro ayaa baaq u direy madaxda dowlad goboleedyada aan weli soo dhameystirin doorashada xubnaha Aqalka Sare, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Guddiga.

Cirro ayaa madaxda ku booriyey in xil weyn iska saaran kasoo dhalaalidda ballamihii iyo heshiisyadii ay saxiixeen si shacabka Soomaaliyeed u helaan dowlad sharci ku dhisan, oo matasha doonitaanka shacabkeeda.

“Guddiga waxa uu cod dheer ugu baaqayaa Maamul Goboleedyada dhammaan in ay xil adag iska saaran fulinta heshiisyadii horey loo gaaray oo runtii ah is-afgarad sahlaya in aan si nabdoon ku gaarno nidaam sharci ku dhisan,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay guddiga.

Sidoo kale waxa uu guddiga doorashooyinka heer Federaal soo dhaweeyay natiijada doorashada Aqalka sare ee 15-kii Agoosto ka dhacday caasimadda kumeel gaar ka ah ee dawlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Baydhabo, taasi oo lagu soo dhameystiray xubnihii ku harsanaa maamulkaas.

Doorashada Aqalka Sare ayaa waxa soo dhameystiray Puntland iyo Koonfur Galbeed, halka dowlad goboleedyada kale laga sugayo inay soo dhameystiraan, midaasi oo sii dheereynaysa waqtiga doorashada.

Si kastaba, Guddiga ayaa xiligaan wada dar-dar gelin uu ku rabo in lagu socodsiiyo habsami u socodka iyo dedejinta doorashada, si ugu yaraan loogu dhawaado waqtigii doorashada dalka hore loogu asteeyay.