M/AFRIKA oo qiimeynaya ammaanka Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha amniga ee Ururka Midowga Afrika ayaa haatan bilaabay qiimeyn guud oo lagu sameynayo xaaladaha ammaanka ee Soomaaliya, waxaana magaalada Muqdisho ee caasimada dalka soo gaaray saraakiil ka socota Midowga Afrika.

Saraakiisha Muqdisho timid ayaa durbo billowday kulamo gaar-gaar ah oo ay la leeyihiin madax ka tirsan dowladda dhexe, siiba wasaaradda gaashaandhiga iyo talisyada ciidanka.

Kulamadan ayaa waxaa intooda badan diirada lagu saarayaa xaaladda amni ee Soomaaliya, inta ay la’egtahay awoodda ciidamada dowladda iyo howl-gallada ka socda dalka.

Sidoo kale ujeedada ugu weyn ee wafdiga ayaa ah sidii ay u qiimeyn lahaayeen hay’adaha amniga dalka iyo inay diyaar u yihiin inay AMISOM kala wareegi karaan amniga Somalia.

Agaasimaha guud wasaaradda gaanshaandhiga xukuumadda Soomaaliya Xasan Maxamed Saciid Samatar Gacaliye ayaa faah faahin ka bixiyey kulamada ay saraakiishan ka socda golaha amniga ee Midowga Afrika la leeyihiin madaxda sare ee dowladda Soomaaliya.

“Xubnaha wafdigan waxa ay maanta oo Arbaco ah kulamo la yeelanayaan mas’uuliyiinta hay’adaha amniga dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, si looga tashado xaaladda amni ee Soomaaliya,” ayuu yiri agaasimaha guud ee wasaaradda gaashaandhigga dalka.

Qiimeynta uu bilaabay Midowga Afrika ee la xiriirta amniga Soomaaliya ayaa kusoo aadeysa xilli xasaasi ah, isla-markaana ay dowladdu isku diyaarineyso qabashada doorashada dalka.

Si kastaba, ciidamada Xoogga dalka ayaa qorshuhu yahay inay amniga guud ee dalka kala wareegaan ciidanka AMISOM, balse arrimahan ayaa kusoo aadayaan, iyada oo laga digay in Al-Shabaab ay ku dayan karto kooxda Taalibaan oo la wareegtay waddanka Afgaanistaan.