Guddiga doorashada oo shaaciyey xilliga shahaadada la siinayo xildhibaanada cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa goordhoweyd shaaciyay in shahaado siinta Xildhibaanada la doortay ay bilaabaneyso maalinta Sabtida ee berri ah.

Qoraal kasoo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in Xildhibaanada jooga Muqdisho ay shahaadada Xildhibaanimo siin doonaan maalinta berri ah, islamarkaana ay sida ugu dhaqsaha badan isu-soo xaadiriyaan.

Munaasibadda shahaado siinta ayaa ka qabsoomi doonta xarunta Guddiga FEIT ee Airport Hotal, saacadu markay tahay 8:00AM (Aroornimo), sida lagu sheegay qoraalka guddiga kasoo baxay.

“Sidoo kale Xildhibaanada Gobollada iyo Dalka Dibeddiisa ku maqan waxaan ku wargelinaynaa inay yimaaddaan sida ugu dhakhsaha badan, si loo hirgeliyo Jadwalka Dhammeystirka Doorashada ee GHDHF ay soo saartay,” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga FEIT.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo guddiga uu hore u shaaciyay liiska xildhibaannada cusub ee baarlamanka 11-aad ee golaha shacabka Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya, kuwaas laga soo kala doortay maamullada dalka ka jira iyo gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxay kusoo aadeysa xili uu Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federal Muuse Geelle Yuusuf uu xil ka qaadis ku sameeyay Xoghayaha guddiga Cabdiraxiin Cabdicasiis Aadan, kadib markii uu qaaday tallaabo uu khilaaf ugu dhex-abuurayo.

Qoraalka goor sii horeysay uu soo saaray Guddoomiyaha FEIT ayaa lagu sheegay in xoghayahu uu isku dayay in uu “carqaladeeyo doorashada, soo saarita warqado aan sax ahayn, iska hor keenista Guddiga Dhexdiisa iyo hannaanka Geedi socodka”.

Cabdiraxiin Xiirane ayaa xilka xoghayaha guud ee guddiga FEIT loo magacaabay 14 Bishii February ee sanadkaan 2022.

Xiisadan ayaa ka dhalatay kadib markii uu guddiga ka reebay liiska xildhibaanada ay shahaadada aqoonsi siinayaan Fahad Yaasiin oo kurisgiisa HirShabelle yahay iyo 3 kursi oo deegaan doorashadooda ay tahay Koonfur Galbeed.

Si kastaba, Go’aankan cusub ayaa u muuqda mid looga hortagayo kala fur-fur ay guddiga FEIT ka dhex bilowdo Villa Somalia, si meesha looga saaro liiska xildhibaanada la shaaciyay, taasi oo uu ku baxay Xoghayihii guddiga.