Daawo: Siyaasiyiinta ugu miisaanka culus Puntland oo Deni ka dalbaday inuu iscasilo, kuna baaqay shir deg deg ah

Nairobi (Caasimada Online) – Siyaasiyiin ka soo jeeda deegaanada Puntland oo Ra’iisul waraahihii hore Cumar Cabdirashiid uu ku jiro ayaa maanta shir ku yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxayna ka soo saareen baaq ku socda Madaxweyne Deni iyo waxgaradka reer Puntland, iyagoo iclaamiyey shir deg deg ah.

Siyaasiyiintaan ayaa Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ku eedeeyey in xukunkiisu uu sabab u noqday luminta doorkii ay Puntland ku laheyd dowlad-dhiska Soomaaliya.

Bayaankii laga soo saaray shirka ay maanta Nairobi ku yeesheen siyaasiyiintaan ayaa Madaxweyne Deni ugu baaqaya inuu iska casilo xilka Madaxweynaha Puntland, sibey yiraahdeen loo badbaadiyo jiritaanka maamulkaas.

Wasiirkii hore ee batroolka Soomaaliya Maxamed Ibraahim oo warbaahinta u akhriyey bayaankii ka soo baxay shirkaas ayaa sheegay in Puntland ay mareyso heer laga shikiyo inta ay sii jiri karto.

“Madaxweynihii ayaa ku dhawaaqay inuu dowladda dhexe hoggaankeeda u tartamayo, iyadoo tiisii dayacan tahay,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in Madaxweyne Deni ay ugu baaqayaan inuu xilka wareejiyo, si firaaq uusan u dhicin, isagoo ugu maahmaahay “Tiisa daryeelaa tu kale ku dara.”

“Suurta gal kuuma noqoneyso Puntland waan joogayaa, dowladda federaalkana waan aadayaa inaad dhahdo, waxaan kuu soo jeedineynaa inaad xilka si sharaf leh ku wareejiso oo aad ku wareejiso cidda mudan ee dastuurku u ogolyahay,” ayuu yiri wisiir hore Maxamed Ibraahim oo bayaanka akhriyey.

Waxaa lagu sheegay bayaankaan in Saciid Deni uu Puntland uga tegayo dhaxalka dhibaato madaxweynaha ka dambeeya uusan xali kareynin.

Siyaasiyiintii maanta klu shiray Nairobi ayaa ugu baaqay Isimada iyo waxgaradka Puntland inay isugu yimaadaan shir deg deg ah, oo lagu lafa-gurayo labo qodob oo kala ah:

1-Doorkii Puntland ay ku lahaa jirtay dowlad-dhiska Soomaaliya oo hormuud ay ka aheyd, laakiin ay hadda sii lumineyso.

2-Kalsoonidii beelaha wada dega Puntland oo luntay.

“Sidaas darteed waxgaradka waxaan ugu baaqnay in shir deg deg ah la qabto, si loo soo celiyo kalsoonidii ay beeluhu isku qabeen,” ayuu yiri Maxamed Ibraahim.

Hoos ka daawo