Aw Xirsi: Waa riyo-maalmeed in doorashada qaranka ay dhacdo xildhibaanada Gedo oo ka maqan

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee qorsheynta dowlad goboleedka Jubbaland Aadan Ibraahim Aw-Xirsi ayaa ka hadlay doorashada kuraasta 16-ka ah ee taalla magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo oo weli khilaaf culus wajaheysa.

Aw-Xirsi ayaa sheegay in aysan macquul aheyn in laga gudbo doorashada 16-kaas kursi, iyadoo lagu andacoonayo kooramkii baarlamaanka waa soo buuxsamay oo waa laga maarmaa kuraasta Garbahaarey.

“Baarlamaanka markii lasoo dhiso oo gobollada Soomaaliyeed uu ka wada yimaado oo la dhaariyo, guddoon uu yeesho oo go’aano la gaarayo ayaa lagu xisaabtamaa kooram, baarlamaanka inta aan la dhisin kooram ma shaqeynayo,” ayuu yiri Aw-Xirsi.

Wasiir hore Aadan Ibraahim Aw-Xirsi ayaa riyo ku tilmaamay in doorasho lagu qabto hool aysan fadhin cid ku meteleysa gobolka Gedo.

“Waxaan nahay dal soo kacsanaya, beelo wax isku dardarsaday oo dastuurkooda uusan dhameystireyn, hadii xildhibaanada gobollada kale ay xubno ka maqnaa la haayeen waxbey ahaan laheyd, laakiin hadda gobol dhan ayaa kaligiis maqan, marka taasi suurta gal maaha, iyadoo Gedo ay hoolka ka maqan tahay Soomaaliya doorasho ma aadi karto,” hadalkiisa ku sii daray Aadan Ibraahim Aw-Xirsi oo wareysigaan siiyey BBC.

Wax heshiis ah weli lagama gaarin qabsoomidda doorashada kuraasta gobolka Gedo oo gacanta ay kula jiraan seddax garab oo kala ah, xafiiska madaxweynaha mudo xileedku ka dhamaaday Farmaajo, kan Rooble iyo Axmed Madoobe oo sharciyan gobolkaas uu hoos tago maamulkiisa.