Madaxda ugu sareysa DF oo war ka soo saaray maalinka koowaad ee bisha Ramadaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble iyo masuuliyiinta wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta xukuumadda Soomaaliya ayaa goordhow shaaciyey inay dhalatay bisha barakeysan ee Ramadaan.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay isku gurmadaan, sidoo kalena lagu dadaalo amniga, “Ramadaanku wuxuu ku soo aaday iyadoo ay dalka ka jiraan duruufo adag oo ay ugu horeyso abaar baahsan oo saameysan malaayiin qof oo Soomaaliyeed,” ayuu yiri.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray hey’adaha amniga inay laba jibaaraan sugida amniga, si ay badbaado u helaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee cibaadeysanaya, gaar ahaan kuwa ku nool magaalada Muqdisho.

“Shacabka Soomaaliyeed ee sharafta leh waxaan ka codsanayaa in hey’adaha amniga ay kala shaqeyaan sugidda nabad geliyada, waxaan Alle ka baryaan inuu nabad noogu dhameeyo bishaan, abaartana uu noogu bedalo aaran,” ayuu yiri Rooble.

Dhanka kale Madaxweyne Farmaajo ayaa hadlay caawa isagoo dhamaan dadka Soomaaliyeed u diray hambalyo iyo duco ku saabsan bilashada bishaan barakeysan ee Ramadaan.

Farmaajo ayaa soo jeediyey in ducada iyo cafiska ay badiyaan dadka Soomaaliyeed bishaan barakeysan awgeed, sidoo kale wuxuu shacabka ugu baaqay inay isu gurmadaan, halka ganacsatadana uu ka codsaday inay shacabkooda u dhimriyaan.

Markii uu ka hadlaayey dhanka ammaanka wuxuu yiri, “Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa inay garab siiyaan ciidamada qaranka ee u taagan ilaalinta sharafta iyo naftiina, qalbigeena allaha ku xoojiyo is jaceyl.”

Masuuliyiinta wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta Soomaaliya oo warbaahinta dowladda dadka kala hadlay ayaa xaqiijiyey curashada bisha Ramadaan, iyagoo sheegay in laga arkay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dhanka kale Boqortooyada Sacuudiga ayaa xaqiijisay in berri ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, ayadoo meelo kala duwan oo Sacuudiga ah laga arkay bisha. Sido lagu xaqiijiyey war rasmi ah oo ka soo baxay Sacuudiga, iyadoo caawa taraawiixda laga bilaabay Xaramka, bacda salaada Cishaa’i.

Dalal uu kamid yahay Sacuudiga ayaa bilaabay galabtii raadinta dhalashada bisha Ramadaan ee sanadkan 1443 Hijriyadda, iyada oo xiligaas ay dalbadeen in la baadi goobo bisha. Sacuudiga ayaa hore ugu diiwaan-geliyay jadwalka Ummul-Qura in bisha Shacbaan ay dhalatay Khamiistii 3/4/2022-ka Miilaadiga, ayna maanta tahay 29-ka Shacbaan, midaasi oo waajib ka dhigeysay in la baaro bisha Ramadaan, oo goordhoweyd si rasmi ah loo xaqiijiyay.

Dhamaan bahda Caasimada Online waxay curashada bisha barakeysan ee Ramadaan ugu hambalyeynaysa dhamaan umadda Muslimka ah, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogan.