Guddiga doorashada oo waqti u qabtay murashaxiinta ku tartamaya seddaxda kursi ee ka bannaan baarlamaanka Somalia

Muqdisho (Caasimada Online)- Guddiga doorashooyinka qaran ayaa ku dhawaaqay in la qabanaayo araajida murashaxiinta seddaxda kursi ee baarlamaanka Somalia ka harsan.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaran Xaliimo ismaaciil “Xaliimo Yarey” ayaa sheegtay in qabashada araajida murashaxiinta seddaxda kursi ee baarlamaanka ka banaan ay bilaabantay 31 Janaayo, kuna eg tahay 5 Febraayo isdiiwaan gelinta.

Xaliimo Yareey ma sheegin xiliga rasmiga ah ee la qabanaayo tartanka doorashada seddaxdaasi kursi hase ahaatee ay dib ka go’aamin donaat.

Sedaxda kursi ayaa banneeyay xildhibaano geeriyooday, , kuwaasi oo kala ahaa, Cabaas C/llaahi Siraaji, Bootaan Ciise Caalim iyo marxuum Saciid Xasan Geeddi oo kasoo kala jeeda maamulada Hirshabeelle, Galmudug iyo Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com