Guddiga doorashada P/L oo si ka duwan guddiyada kale guddoon u doortay maanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay xubnaha guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee maamulka Puntland, ayaga oo kulankaas ku doortay guddoonka guddigaas.

Guddiga ayaa waxay cod gacan taag ah ku doorteen guddoomiyaha guddiga Cabdikariim Muuse Maxamed oo helay dhamaan codadka xubnaha guddiga oo dhan 11-xubnood, mana jirin cid xilkaas kula tartamay.

Sidoo kale waxa uu guddiga u doortay guddoomiye ku-xigeenka Guddiga doorashooyinka maamulka Puntland, Caynaanshe Yuusuf Xuseen oo asaguna helay 11-cod, sidoo kalena majirin cid kula tartamay xilkaas.

Guddiga doorashooyinka maamulka Puntland ayaa waxa uu kamid noqonaya guddiyada maamulada ee maalmihii u dambeeyay guddoonkooda ku dooranayey magaalada Muqdisho, si loo dar-dar geliyo doorashada ay madaxdu heshiiska ka gaareen.

Waxaa shalay sidan oo kale magaalada Muqdisho lagu doortay guddoonka Guddiyada doorashooyinka Koonfur Galbeed iyo Galmudug, ayaga oo cod gacan taag ah ku doortay Gudoomiyeyaal iyo ku-xigeenada Guddiyada.

Maamulada Hir-Shabeelle, Jubbaland, kuwa Banaadiriga iyo Gobolada Waqooyi oo hadda loo yaqaano Somaliland ayaa ayagu maalmaha socda lagu wadaa inay doortaan guddoomiyeyaal iyo ku-xigeenadooda.