Maxaa ka jira in madaxweyne DENI uu iibsaday hoteelka Sarova Stanley ee Nairobi?

Nairobi (Caasimada Online) – Iyada oo maalmihii dambe ay soo baxayeeen warar sheegaya in madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) uu iibsaday hotelka Sarova Stanley magaalada Nairobi ayaa waxaa arrintaasi markii ugu horreysay si faah faahsan uga hadlay maamulka hotelkaasi.

War qoraal ah oo ka soo baxay Sarova Stanley ayaa looga jawaabay wararka ku saabsan in hotelooda uu iibsaday Siciid Deni, kadib markii lagu faafiyey baraha bulshada, waxaana maamulka hoteelka uu waxba kama jiraan ku tilmaamay wararkaasi.

Qoraal lasoo dhigay bogga Twitter-ka ee hotelka ayaa waxaa lagu beeniyey in ganacsade Soomaali ah uu iibsaday hoteelkaas oo ka mid ah kuwa ugu sarreeya ee dalka Kenya.

Sidoo kale maamulka hotelka Sarova Stanley ayaa shaaca ka qaaday inay shacabka uga digayaan wararkaasi been abuurka ee lagu faafiyey Internet-ka.

Warararkan ayaa waxaa horey u daabacay qaar ka mid ah wargeysyada ugu afka dheer Kenya, iyaga oo sheegay in Deni uu gatay huteelka Sarova Stanley qaybtiisa Nairobi.

Arrintan waxaa sidoo kale gaashaanka u daruuray oo ka horyimid maamulka Puntland oo waxba kama jiraan ku tilmaamay in madaxweynaha uu iibsaday hoteelkaasi.

Si kastaba hadal heyn badan ayaa ka dhalatay soo shaac-bixinta warbixintan ka dhanka ah Siciid Deni oo ah ganacsade & siyaasi haatan madaxweyne ka ah Puntland