Somaliland oo war kasoo saartay dilkii Ibraahim – Ma dhabbaa in loo dilay calanka?

Boorama (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Awdal ee Somaliland Maxamed Axmed Caalim (Tiimbare) oo faah faahin ka bixinayey dilkii AUN Marxuum  Ibraahim Cabdishakuur Salaad oo ka mid ahaa ardayda wax ka barata Kulliyadda Engineering-ka Jaamacadda Camuud ee Boorama ayaa shaaca ka qaaday in gacanta lagu dhigay askarigii ka dambeeyey falka toogashada.

Tiimbare ayaa sidoo kale sheegay in askariga laoo qabtay uu ka mid ahaa Booliska Somaliland haatana uu xiran yahay, isla-markaana loo gudbinayo maxkamad, si cadaaladda loo horkeeno, looguna qaado dambiga dilka ah ee uu geystay.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dadka shacabka ah inay is dajiyaan, kana war sugaan go’aanka maxkamadda ay ka gaareyso dhacdadaasi oo haatan si weyn loo hadal hayo.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in Marxuum Ibraahim oo ahaa arday waxbarashadiisa ay wanaagsaneyd iyo askariga dilay ay kasoo wada jeedaan bariga Sanaag.

“Nin Askari ah ayaa xabad uga dhacday Ibraahim Cabdishakuur oo ahaa arday waxbarashadiisu wanaagsaneen oo sanadkii labaad dhiganayay Kulliyadda Injineeriyada, Marxuumka & Gacan ku dhiiglaha waxa ay kasoo wada jeedaan Bariga Sanaag” ayuu yiri.

Dilkan ayaa dhacay daqiiqado, kadib markii Ibraahim iyo saaxibadiisa ay ka soo baxeen imtixaan ay soo wada galeen, waxaana la sheegay inuu marxuumka dib ugu laabtay gudaha Jaamacadda kadib markii uu doontay Telefoonkiisa oo uu kusoo hilmaamay.

Si kastaba, Ibraahim Cabdishakuur oo 21 jir ahaa ayaa waxuu dhiganayey sanadkii labaad Kuliyadda Engineering-ka eee Jaamacadda Camuud qeybteeda magaalada Boorama.