PUNTLAND oo Somaliland u dirtay dalab la xiriira dilkii IBRAAHIM Cabdishakuur

Garoowe (Caasimada Online) – Afhayeenka madaxtooyada Puntland, Jaamac Deperani ayaa ka hadlay dilkii Allaha u naxariistee magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awday loogu geystay marxuum Ibraahim Cabdishakuur Salaad oo dhiganayey Jaamacadda Camuudi, balse deegaan ahaan kasoo jeeday dhanka magaalada Boosaaso.

Jaamac Deperani ayaa marka hore tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada iyo qoyska uu ka baxay marxuumka oo ka mid ahaa ardayda wax ka barata Kulliyadda Engineering-ka Jaamacadda Camuud, gaar ahaan faraceeda magaalada Boorama ee gobolka Awdal.

Sidoo kale afhayeenka ayaa ka dalbaday Somaliland inay cadaalad u hesho marxuumka, si tallaabo sharciga waafaqsan looga qaado askarigii ka dambeeyey dilka ardaygaasi.

“Soomaaliya meel walbo waxaa ka jira maamul wuxuu doonaba ha aaminsanaadee, koley uun waa dad Soomaaliyeed, waxaan ka rajeyn nidaamka halkaasi ka jira inuu Ibraahim Cadaalad ku helo, si loo illaaliyo badqabka dadka Nugul oo ay ardeydu ka midtahay,” ayuu yiri Jaamac Deparani oo afhayeenka madaxtooyada Puntland.

Deperani ayaa sidoo kale intaasi ku sii daray inay xanuunka iyo murugada la qeybsanayaan ardayda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Puntland.

Dilkan ayaa dhacay daqiiqado, kadib markii Ibraahim iyo saaxibadiisa ay ka soo baxeen imtixaan ay soo wada galeen, waxaana la sheegay inuu marxuumka dib ugu laabtay gudaha Jaamacadda kadib markii uu doontay Telefoonkiisa oo uu kusoo hilmaamay.

Si kastaba, Ibraahim Cabdishakuur oo 21 jir ahaa ayaa waxuu dhiganayey sanadkii labaad Kuliyadda Engineering-ka eee Jaamacadda Camuud qeybteeda magaalada Boorama, waxaana dilkiisa si weyn uga xumaaday guud ahaan dadka Soomaaliyeed.