Muxuu Abiy ka badalay xiriirkii Itoobiya iyo Mareykanka?

Hordhac 

Kadib dibad-baxyo aad u balaaran oo looga soo horjeeday dowlada Itoobiya taasoo ay sababtay saluug kadhashay qaabka ay dowladdu u wajahday daruufaha shaqo la,aaneed ee haystay dhalinyarada, isku dhacyo soo noq-noqday oo salka ku hayey diimaha iyo Isirka qowmiyahada kunool Itoobiya iyo damaca dowladda ee ahaa inay balaariso caasimadda dalka oo sababay marooqsiga dhulka shacabka ayaa ugu danbeyn horseeday in 15-kii February 2018-dii is-casilaad lama filaan ah uu ku-dhuwaaqo raysal-wasaare Haila Maryam Desalegn taasoo uu ku wareejiey xilkii raysal-wasaarenimo iyo xilkii hogaamiye-nimo ee Xisbiga Dimuqraadiga Kacaanka Dadka Itoobiya ee loosoo gaabiyo (EPRDF) oo ah xisbi ay ku mideysan yihiin jabhado afar ah oo u dhisnaa qaab qowmiyadeed kuwaasoo kala ah Jabhada Xoreynta Dadka Tigreyda (TPLF), Xisbiga Dimuqraadiga Oromada (ODP), Xisbiga Dimuqraadiga Amxaarada (ADP) iyo Dhaq-dhaqaaqa Dimuqraadiga Dadka Koonfurta Itoobiya (SEPDM) oo ay kumideysan yihiin shacuubta koonfurta Itoobiya oo ahaa jabhadihii xilka ka tuuray kaligii taliyihii Mengistu Haile Mariam. 

Is-casilaada Haila Maryam Desalegn ayaa durbadiiba horseeday tartan iyo is-kooxeysi ka dhex aloosmay xisbiga EPRDF oo dalka ka talinayey tan iyo 1991-kii. Qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada oo ah labada qowmiyadood ee ugu tirada badan dalka Itoobiya islamarkaana ahaa meelaha ugu badan ee ay kasocdeen kacdoonada kacurtay dalka Itoobiya masuug weyna ka qabay qaabka ay qowmiyada Tigrey-du isku laheysiisay awooda siyaasada, ciidamada iyo dhaqaalaha dalka ayaa bilaabay damacooda ah inuusan dhaafin xilka raysal-wasaaraha ayagoo isku-afgartay inay cududooda isku biiriyaan. Dastuurka dalka oo xisbiyada afarta ah midkasta u ogolaanaya 45 kursi ayaa miradhal kadhigay is-bahaysiga Oromada iyo Amxaarada taasoo uu silama filaan ah ugusoo baxay Abiy Axmed oo aan seexada siyaasada markiihore aad uga muuqan balse ahaa xildhibaan katirsan xisbiga talada haya horeyna usoo qabtay xilal kala duwan oo heer wasiir ah iyo kuwa kale oo dhanka ciidamada ah. Arrintan ayaa durbadiiba shaki iyo walaac ku beertay qowmiyada Tigrey-da oo dareentay inuusan Abiy xeradooda kujirin waxna u dhimi-doono dhaxalkii siyaasadeed ee Males Zenawi. Abiy oo arrintaan dareensan ayaa mudo kooban kadib ku dhawaaqay xisbi cusub oo lagu magacaabo Xisbiga Barwaaqada (Prosperity Party), taasoo muujisay dhamaadkii xisbiga EPRDF.

Dareenkii shacabka Itoobiya ee Abiy Axmed

Abiy Axmed oo inta uusan qaban xilka raysal wasaaraha doorweyn kasoo qaatay abuurida mashaariic horumarineed oo gobolka Oromada laga hirgaliyay iyo xalinta muranada dhulka ee qowmiyadaha ood-wadaaga ah ee Amxaarada, Oromada iyo Soomaalida xiligii uu ahaa madaxweyne k/xigeenka maamulka Oromada, halka uu si weyn ugasoo horjeestay damacii dowladda dhexe ee ahaa la wareegidda dhulka shacabka ee ku teedsan caasimadda dalka Addis Ababa talaabadaas oo uu Abiy ku muteystay taageero mug-weyn gaar ahaan qowmiyada uu kasoo jeedo ee Oromada oo dagan deegaanada ku xeeran caasimadda.

Doorashada kumeel gaarka ah ee Abiy Axmed ayaa durbadiiba waxay yadadiilo galisay dadweynaha reer Itoobiya gaar ahaan da,yarta oo u arkayey shaqsi kajawaabi kara tabashadooda ah inay helaan shaqo, fur-furnaan siyaasadeed iyo in meesha lagasaaro dhaqanka dowliga ah ee kudhisan caburinta iyo cabsi galinta dadka. Abiy oo ah nin dhalinyaro ah haystana shahaadada jaamacada heerka 2aad maadada Isbadalka Hoogaanka (Transformational leadership) ayaa balanqaaday inuu sameyn doono dib u habeyn siyaasadeed, tixgalinta xoriyada mucaaradka, adkeynta midnimada dadka Itoobiya iyo xalinta khilaafka waqtiga dheer dalkiisa kala dhexeeyay dalka Erateriya oo lama filaan aheyd inuu hogaamiye Itoobiyan ah ku dhiirado iskaba-dhaaf shaqsi hogaanka dalka curdin ku ah. Dad badan ayaa Abiy u arkayey shaqsi leh fakar iyo yadadiilo ku qotanta dimuquraadiyad astaamaheedu tahay abuurida xoriyada aragtida, siyaasada iyo diinta. Muwadiniinta Itoobiya ayaa Abiy u sawirtay hogaamiye iskuwadi kara qowmiyadaha kaladuwan ee dalka kunool maadaama Abiy Qudhiisu kasoo jeedo qoys kala diin iyo qowmiyad ah.

Talaabooyinkii dhaxalgalka ahaa ee uu nabadda u Abiy qaaday

Sii-daynta kumanaan maxaabiis mucaarad ah oo ay maamuladii kahoreeyay siyaabo kaladuwan usoo xireen iyo cafis loo fidiyay xubno kale oo dalka dibediisa ku maqnaa.

Inay dowladda Itoobiya liiska arga-gixisada kasaartay jabhadihii xornimo doonka ahaa ee kadhisnaa gobolada Oromada iyo Soomaalida islamarkaana u aqoonsatay xisbiyo siyaasadeed.

Baabi,inta xaaladii deg-dega aheyd ( state of emergence) ee ay xukuumadii ka horeysay dalka kusoo rogtay.

Hirgalinta xoriyada saxaafada iyo baraha bulshada.

Alkumida xiriir dhexmara Itoobiya iyo Erateriya taasoo uu ku muteystay bilada shaqsiyaadka nabada ka shaqeeya aduunka ee (Nobel peace prize).

Dib u heshiisiin miro dhashay oo uu ka sameeyey dalalka Sudan iyo Koonfurta Sudan.

Xiriir iskaashi saddex geesood ah oo ka dhex abuurmay Soomaaliya, Itoobiya iyo Erateriya.

Caqabadihii Gudaha ee ka horyimid Abiy

Qudbad aad u dheer oo Abiy uu ka horjeediyay baarlamaanka federaalka ah ee Itoobiya dabayaaqadii sannadkii hore ayuu ku sheegay in markii uu xilka qabtay asaga iyo ku xigeenkiisaba ay ururka Tigreyda ee TPLF ku af-duubteen madaxtooyada dhexdeeda ayagoo ka jaray dhamaan xiriirkii iyo maamulkii dalka.

Isku-day qarax lagu doonayey in lagu qaarajiyo oo ka dhacay Addis Ababa xili uu Abiy ka qeyb-galayey iskusoo-bax uu kula hadlayey taageerayaashiisa balse aysan qasaaro kasoo gaarin.

Dilkii fanaankii caanka ahaa ee Hachalu Hundessa oo sida lasheegay lagu doonayey in la iskaga-horkeeno Abiy iyo shacabka Oromada taasoo uu taageero badan ku lumiyey Abiy.

Isku-dhacyo dhanka qowmiyadaha ah oo sababay dhimasho, burbur hantiyeed iyo barakac oo sida uu sheegay Abiy lagu majo xaabinayey maamulkiisa.

Af-gambigii dhicisoobay ee ka dhacay gobolka Amxaarada oo lagu dilay taliyihii ciidamada dalka, madaxweynihii maamulka Amxaarada Ambachew Mekonnen oo doorweyn kulahaa in Abiy qabto xilka Raysul-waasarenimada.

Dib u dhacii bishii August 2020-ka ku yimid doorashadii dalka iyo Tigreyda oo gaashaanka u daruurtay kuna dhawaaqay doorasho gaar u ah gobolka Tigrey, talaabadii baarlamaanka Itoobiya ku hakiyey qoondadii heer federal ee lasiin jiray gobolkaas ayaa ugu danbeyn horseeday dagaal ba,an oo kusoo biyo shubtay guuldaro ciidan, mid sumcadeed iyo eedo waaweyn oo xad-gudubyo bini,aadanka iyo danbiyo dagaal ah kuwaasoo suuragal kadhigi kara in Abiy laga xayuubiyo bilada Nobel Peace Prize lagunasoo-oogo dacwado arrintaas laxiira. Dagaalkan ayaa soo bandhigay habacsanaan ciidamada federaalka Itoobiya oo kamid ahaa tiirarka ugu waaweyn ee isku hayey dalkaas iyo suuragalnimada in gobolada ama qowmiyadaha kale raaci karaan wadadii ay Tigrey-du furtay taasoo Itoobiya u horseedi doonta in awooda dowlada dhexe aad loo yareeyo oo dalku noqdo Conferal System ay awooda yeeshaan dowlad goboleedyada u dhisan qaabka qowmiyadaha.

Xiriirka Mareykanka iyo Itoobiya oo isbadalay

Tan iyo markii uu meesha kabaxay xukunku militariga ee Mengistu Haile Mariam oo gacansaar dhow la lahaa Ururkii Midowga Soviet-ka, waxaa bilowday xiriir wanaagsan oo dhex-maray dowladii uu hagaaminayey Malez Zanawi iyo Mareykanka oo markii horeba ka taageertay sidii ay jabhadii EPRDF uga guuleysan lahaayeen xukuumadii Mengistu. Xiriirka labadan dowladood waxuu aad u xoogeystay markii uu bilowday waxii loogu magac daray dagaalkii arga-gixisada (War on terror), markaas oo Mareykanku Itoobiya ka dhigay u qeybsanaha Geeska Afrika taasoo Itoobiya lagu siinayey taageero dhaqaale, military iyo af-qabasho hay’adaha xaquuqul insaanka ah, ayadoo lagu abaalmariyey barnaamijka samafalka ee USAID. Sida dad badan ay rumeysan yihiin, Itoobiya oo ka macaashaysa mashruucii dagaalka arga-gixisada ayaa dagaal aad u qaraar gudaha Soomaaliya kulagashay Maxkamadihii Islaamka iyo Al-shabaab taasoo sida warbixino badan lagu qoray ay wehliyeen gabood-falo dhanka bini,aadannimada iyo boob hantiyeed oo aysan cidna kula xisaabtamin. Xiriirka wanaagsan ee Mareykanka iyo Itoobiya waxuu horseeday in ciidamada Itoobiya suuq looga sameeyo ama loo daabulo goobaha iyo dalalka looga baahdo ciidamo nabad ilaalin ah oo huwan magaca Qaramada Midoobay ama Afrika.

Waxyaabihii badalay xiriirka Mareykanka iyo Itoobiya

a) Xiriirka Itoobiya iyo China: xiriirka ay Itoobiya la yeelatay China oo intiisa badan ku qotoma dhisida kaabayaasha dhaqaalaha Itoobiya iyo iskaashiga ganacsiga labada dal ayaa abuuray inay shaki badan ka muujiyo Mareykanka maadaama uusan ku qanacsanayn xiriirka iyo is-dhexgalka xowliga ku socda ee China iyo Itoobiya taasoo warbixino farabadan oo ay soosaareen hay’addo Mareykan ah aad u dhaliileen lacagta amaahda Balaayiinta ah oo ay Itoobiya heshiiska kula gashay China. Mareykanka oo tartan aad u daran uu kala dhexeeyo China ayaa rumeysan in Itoobiya oo ay kunool yihiin dadka labaad ee ugu tirada badan Afrika ay u janjeerto dhanka China taasina ay dharbaaxo iyo abaal-dhac ku tahay.

b) Saldhiga AFRICOM ee Djibouti: saldhiga ciidamada Mareykanka ee Jabuuti ee loo yaqaano Camp Lemonnier ee hoostaga howl-galka AFRICOM ayaa wax kabadalay muhiimada ay Itoobiya u laheyd howl-galada Mareykanka ee la dagaalanka arga-gixisada Geeska Afrika. Saldhigaan ayaa sannadihii ugu danbeeyay hayey aruurinta xogaha, isku xirka howl-galada iyo weerarada cirka ee lagu beegsanayo kooxaha qatarta ku ah danaha Mareykanka, taasoo hoos u dhigtay taageeradii iyo muhiimadii faraha badneyd ee lasiin jiray Itoobiya.

c) Dhaq-dhaqaaqyada madaxa bananaan ee Abiy kawado gobolka:  Abiy ayaa mudada uu xilka hayo ku guuleystay inuu xiriir wanaagsan la sameeyo dalka Erateriya oo waqtidheer wajahayey cunno qabateyn iyo go,doomin ay hogaanka u hayeen dowladaha reer Galbeedka, balse go,aanka Abiy ayaa u sahlay Isias Afwerki inuu xiriir ganacsi la sameeyo Itoobiya taasoo mugdi sii galisay xiriir Itoobiya iyo Mareykanka. Abiy Axmed ayaa sidookale ku guuleystay dhex-dhexaadinta dalka Sudan ee militarigii xilka la wareegay iyo xubnihii kasocday shacabka taasoo aad loogu amaanay Abiy laakiin baalmaray talada iyo cuno-qabateyntii Mareykanka ee xiligaas saarneyd Sudan. Waxaan meesha ka marneyn xiriirkii sadex-geesoodka ahaa ee Soomaliya, Itoobiya iyo Erateriya oo uu horkacayey Abiy. 

d) Mashruuca biyo xireenka Itoobiya: Itoobiya oo waqti dheer ku howlaneyd dhisida iyo buuxinta biyo xireenkan aadka u weyn ayaa culeys kala kulantay buuxintiisa dalalka Masar iyo Sudan oo u arka inuu aad wax ugu dhimi doono socodka iyo istcimaalka biyaha webiga Niil ee dhankooda halka ay Itoobiya aad uga biyo diiday. Mareykanka oo xiriir naas-nuujin ah la lahaa Masar waxii kadanbeeyay heshiis Camp David ee Masar iyo Israel 1978-dii una arka Masar dal tiir dhexaad u ah amniga Israel ayaa si cad ula saftay Masar kuna canaantay Itoobiya halka ay Itoobiya qaadacday dhex-dhexaadinta uu qeybta ka yahay Mareykanka taasoo muujinaysa heerka uu gaaray kala-fogaanshaha laba dal. 

e) Is-hortaaga gargaarka samafal ee gobolka Tigrey: kadib dagaalkii gobolka Tigrey iyo eedaymihii loo jeediyay maamulka Abiy oo ay kamid aheyd is-hortaaga gar-gaarka hay’adaha samafalka iyo baaritaanka xad-gudubyada, waxuu Abiy ku macneeyay in hay’adaha gargaarku yihiin basaasiin hubka iyo xogaha u dusiya maamulka Tigreyda. Hay’adaha, sida Human Rights Watch, Amnesty International, DRC iyo kuwa-lamidka ah waa hay’ado caalami ah oo ka shaqeeya gargaarka bini’aadanka, lasocodka xad-gudubyada iyo dambiyada dagaalka dabcan laguna xanto inay yihiin aalad lagu cadaadiyo dowladaha iyo shaqsiyaadka baalmara siyaasadaha dalalka reer Galbeedka ah maadaama ay ku abtirsadaan dowladaha sida Mareykanka, Ingiriiska, Denmark iyo kuwa-kale, ogow eedaha ayaga loo jeediyana waa kuwa loo jeediyay dowladahaas, waana  kalmado aanan la barxin lagana baaraan-dagin saameynta ay yeelan karaan oo uu Abiy u bareeray.

Gunaanad

Inkastoo uu Abiy gaaray guulo wax ku ool ah mudadii koobneyd oo uu xilka hayey hadana dagaal sokeeye ee Tigrey ayaa dhawaac weyn gaarsiiyay sumcadii uu kulahaa gudaha dalka iyo dibedaba taasoo ay adag tahay inuu kasoo kabto. Xiriirka Itoobiya iyo dowladaha reer galbeedka oo markiihoreba sii liicayey ayuu dagaalka Tigrey iyo ficiladii kadhashay ceel kusii riday ayadoo Abiy looga fadhiyo inuu kasoo dhalaalo hal-xiraale ah sidii uu iskugu hayn lahaa Itoobiya oo ay Tigrey-du qeyb katahay iyo siduu usoo nooleyn lahaa xiriirkii Itoobiya iyo caalamka. Waxaan meesha ka marnayn dareenka dadweynaha Itoobiya oo si joogta ah baraha bulshada iyo saxaafada kala socday waxii kadhacay Tigrey oo aad ula fajacay in hogaamiye Itoobiyaan ah ciidamo shisheeye u adeegsado dad Itoobiyaan ah kaba sii darane inay yihiin ciidamo Erateriyaan.

Fursadaha suuragalka ah ee xiligaan u banaan Abiy

Fursadaha hada Abiy gacanta ugu jirta waxaa kamid noqon kara 

1. Fursad ku dhisan calool adeyg ayaa ah: Inuu dib u habeyn kusameeyo ciidankiisa soona nooleeyo niyadooda (morale) si ay ugu guuleystaan inay ka hortagaan fiditaanka ciidamada Tigrey-da una go,doomiyaan gobolka taasoo keeni karta in beesha caalamku wadahal furto kuna qasabto Tigrey-da silooga qaado go,doominta inay maamulka gobolka kuwareejiyaan maamul shacab ah, hub ka dhigis lagu sameeyo maleeshiyaadka lana qarameeyo ciidamada kale iyo inuu ugu danbeyn ogolaado baaritaano madax-banaan oo kadhaca goobaha dhibaatadu ka dhacday hadii ay cadaatana loo max-kamadeeyo askarta iyo shaqsiyaadka lagu helo. waana arrin ay aq-balaadeedu adag- tahay balse hirgalinteedu oo ay ugu horeyso dhisida kalsoonida iyo is-aaminaada laba-dhinac ay kasii adag tahay waqtidheerna qaadan doonto waaba hadii ay sidaas wax u dhacaane. 

2. Fursad kale ayaa ah in Abiy aqbalo inuu guuldareystay, gafkii dhacayna qeybtiisa hogaamineed dusha u rito asagoo talada ku celinaya baarlamaanka dalka si ay u doortaan hogaan cusub, waana go,aan u baahan geesinimo iyo ka hortagista qataraha kale ee kusoo wajahan Itoobiyada barito. Is-casilaada Abiy waxay qanaaco iyo daawo hordhac ah u noqon kartaa dadka Tigrey-da ah oo tabanaya in lagu gumaaday shaatiga Itoobiya.

W/Q: Xamdi Wardheere Maxamed