James Swan oo dowladda Kenya kala hadlay Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka Gaarka ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan oo safar ku jooga magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, ayaa waxa uu kulan la qaatay Xoghayaha arrimaha difaaca ee dalka Kenya, Monica Juma.

James Swan iyo Monica Juma ayaa ka wada-hadlay xaalada amni ee dalalka Afirka, gaar ahaan midda Soomaaliya, maadama ay dowladda Kenya qeyb ka yihiin howl-galka amniga ee dalka, islamarkaana ay ciidamo badan ka joogan gudaha Soomaaliya.

Monica oo kulankaas kadib soo saartay qoraal kooban ayaa waxay sheegtay “in kulankii ay la qaatay Swan ay isku dhaafsadeen qaabab loo xoojin karo iskaashiga amniga gobolka,” kaasi oo qeyb ka noqonaya xoojinta amniga guud.

Kulankaan ayaa imanaya kadib markii uu Wakiilka Gaarka ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya uu socdaal kusoo maray dalalka Carbeed ee la rumeysan yahay inay saameyn ku leeyihiin siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan Sacuudiga iyo Imaaraadka oo kala soo hadlay arrimaha doorashada iyo amnigeeda.

Safarka Swan ayaa u daaran dar-dar gelinta arrimaha doorashooyinka Soomaaliya iyo taageerada dalalka caalamka, wuxuuna socdaalka Kenya kusoo aadaya xili xal laga gaaray khilaafkii mudada soo jiitamayey ee ka dhaxeeyay xukuumadaha Muqdisho iyo Nairobi.