Guddiga doorashooyinka Somaliland oo soo saaray go’aan uga sii daraya xiisadda

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddiga doorashada Somaliland ayaa maanta ku dhowaaqay in aysan xilligeeda ku qaban karin doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo ku asteysan 13-ka November,taasoo uga sii dareysa xiisadda hadda taagan.

Qoraal ka soo baxay guddiga ayaa waxaa lagu shaaciyey saddex qodob oo ay saldhig uga dhigeen go’aanka ay haatan ka soo saareen doorashada guud ee Somaliland.

Guddiga ayaa go’aankiisa u sababeeyey arrimo farsamo iyo kuwa dhaqaale oo xilligan heysta Somaliland.

Go’aanka ka soo baxay guddiga ayaa waxa kale ay ku caddeeyeen in doorashada ay ku qaban karaan farsamo ahaan muddo 9 bilood  ah, ayna u baahanyihiin waqti dheeri ah.

Halkan hoose ka aqriso:-

  1. In Doorashada Madaxatooyada JSL ee u qorshaysnayd in la qabto 13-ka Nov 2022 oo ah bil ka hor dhammadka muddo xilleedka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka, aannay farsamo ahaan, iyo dhaqaale ahaan ba qabsoomi karayn.
  2. In Komiishanka Doorashooyinka Qaranka JSL, farsamo ahaan ku qaban karaa doorashada Madaxtooyada JSL muddo Sagaal (9) billood ah oo ka bilaabmaysa 1st October 2022.
  3. Gebogebadii Komiishanka Doorashooyinka Qaranka JSL wuxuu muddadaa Sagaalka (9) billood ah ku diyaarinayaa dhammaan arimaha farsamo, dhaqaale ee ay u baahan tahay Diiwaangalinta Codbixyeyaasha iyo qabsoomida doorashada Madaxtooyada JSL.

Arrintaan ayaa u muuqata mid uga sii dareyso xaaladda cakiran ee Somaliland, gaar ahaan dagaalka siyaasadeed ee u dhexeeyo xukuumada & xisbiyada kala ah Wadani iyo UCID.