Guddiga doorashooyinka Somaliland oo diiwaan-gelin murashaxiin billaabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga maamulaya doorashada kuraasta gobollada waqooyi ee Somaliland ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay diiwaan-gelinta xubnaha musharixiinta Golaha Shacabka, gaar ahaan kuraasta ay liiskooda horay u shaaciyeen.

Guddiga ayaa sheegay in diiwaan-gelinta xubnaha musharixiinta ay maanta bilaabaneyso, isla-markaana ay ku eeg-tahay illaa 22-ka bishan November ee sanadkan 2021-ka.

Sidoo kale guddiga ayaa faray inay diyaar garoobaaan musharixiinta u tartameysa lixda kursi ee kala ah HOP#233, HOP#208 HOP#2010, HOP#202, HOP#225 iyo HOP#272.

“Guddiga maamulka doorashooyinka labada aqal ee Somaliland waxay ogeysiinayaan musharixiinta u tartameysa kuraasta tirsigooda uu yahay HOP#233, HOP#208 HOP#2010, HOP#202, HOP#225 iyo HOP#272 inay u diyaar garoobaan diwaan-gelinta kuraasta sumadooda kor ku xusan yihiin maalmaha soo socda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Doorashada ayaa ka dhaceysa  magaalada Muqdisho oo haatan laga dareemayo diyaar garowga doorashada xubnaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Guddiga maamulaya kuraasta gobollada waqooyi (Somaliland) ayaa horay ugu guuleystay qabashada doorashada laba kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka ee Soomaaliya.

Si kastaba, doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa qorshuhu yahay in lasoo gabagabeeyo 24-ka bisha soo socota ee December ee sanadkan sii dhammaanaya 2021.