Wareysi: Wasiirka A/dibadda oo wax laga weydiiyey dhallinyaradii la geeyey Eritrea iyo dagaalka Ethiopia

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo wareysi siiyey TV-ga Dalsan ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo badankood ku saabsan xaaladaha arrimaha dibadda ee siyaasadda Soomaaliya, oo dad badan ay qabaan inay ku jirto xiliyadii ugu adkaa.

Arrimaha wax laga weydiiyey wasiirka waxaa ka mid ah, ceyrinta ku xigeenkii ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya , qorshaha ka bixitaanka AMISOM ee  Soomaaliya, wadahadallada Al-Shabaab iyo dawladda Soomaaliya, dhalinyaradii tababarka loogu qaaday dalka Eritrea, xaaladda cakiran ee ka jirta dalka Itoobiya iyo saameynta go’aanada wasiir Maxamed Cabdirisaaq uu ku leeyahay dalka Mareykanka oo dhalasho labaad uu ka heysto.

Ugu horeyn wasiirka ayaa ku celiyey in ku xigeenkii la ceyriyey ee wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo ay ku saxneyd dowladda Soomaaliya go’aankii ay ku ceyrisay, hase yeeshee wasiir Maxamed Cabdirisaaq waxuu aad uga gaabsaday inuu faahfaahiyo dembiyada uu dalka ka galay ergaygaas la ceyriyey.

Mar wax laga weydiiyey xaaladda cakiran ee dalka Itoobiya waxuu sheegay in dhibaatadii ka dhacda dalkaas ay wada saameyn doonto guud ahaan wadamada Geeska Afrika, isagoo u rajeeyey in aysan meesha ka bixin kala dambeynta iyo dowladnimada Itoobiya.

Sidoo kale wasiirka waxaa la weydiiyey halka ay ku dambeeyeen dhalinyaradii tababarka loo geeyey wadanka Eritrea, balse waxa uu ku dooday in arrimaha ciidanka ay u xil-saaran tahay wasaaradda gaashaandhigga, sidaas darteedna arrinta dhalinyaradaas aysan khuseyn wasaaradda arrimaha dibadda.

Wasiir Wasiir Maxamed Cabdirsaaq ayaa la weydiiyey sida uu isugu keeni karo u daacad noqoshada danaha Soomaaliya iyo Mareykanka oo labadaba uu dhalasho ka geysto, waxuuna ku dooday in danaha Soomaaliya iyo Mareykanka aysan is diidaneyn, sidaas darteed uu diyaar u yahay ilaalinta danta qaranka ee uu u dhaartay.

Hoos ka daawo wareysiga wasiirka