GUDDIGA FEIT oo amray in lagu noqdo doorashada kuraas uu ku jiro kan Fahad

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal ayaa goordhoweyd shaaciyay in lagu noqonayo doorashadood afar kursi oo uu hore u hakiyay guddiga, si loo saxo habraacii qaldamay.

Kuraastan ayaa kala ah HOP#154, HOP#103, HOP#204 iyo HOP#086, kuwaasi oo guddiga uu hakiyay 29 November ee sanadkii hore illaa 13 March ee 2022-ka.

Guddiga ayaa sheegay in xiliga la qabanayo doorashadooda iyo goobta lagu qabanayo uu dib ka shaacin doono, ayada oo ay xusid mudan tahay in kuraastan lagu soo doortay qaar kamid ah deegaan doorashooyinka maamulada dalka.

“Guddiga Hirgelinta doorashooyinka Heer Federaal waxaa uu go’aamiyay in dib loogu nqodo doorashada dhamaan kuraastan, si loo saxo habraacii qaldamay. Iyadoo la tixraacayo habraacii doorashadii 2016-kii ayuu guddiga dib ka soo sheegi doonaa qabashada doorashada kuraastan, goorta iyo goobta lagu qabanayo,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Kuraasta uu guddiga shaaciyay in doorashadooda dib loogu celinayo ayaa waxaa kamid ah kursiga uu hore ugu fadhiyay Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Prof Jawaari iyo midka Fahad Yaasiin oo hadda ah La-taliyaha amniga qaranka madaxweyne Farmaajo.

Kursiga Fahad ayaa waxaa uu guddiga sheegay inay cabashooyin kasoo gaareen oday dhaqameedyada jufada kursiga iska leh iyo mid kamid ah musharaxiinta, kadib markii dambena la xaqiijiyay in doorashadiisa la baalmaray habraaca doorashada.

Hoos ka aqriso warqada guddiga kasoo baxday