Yaa ilaaliya sideese loo sugaa amniga ra’iisul wasaaraha?

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka NISA ayaa digniin qeyrul caadi ah oo ay soo saartay ku shaacisay shirqool ay sheegtay in Al-Shabaab ay dooneyso inay ku disho Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraalka NISA oo ay ku daabacday bogga ay ku leedahay Twitter-ka ayaa lagu yiri “Waxan Madaxda Qaranka siinay warbixin ku saabsan khatar ay malegayaan Maafiyada AS oo ay rabaan inay ku beegsadaan Madaxwaynaha & R/Wasaaraha Qaranka. Maxamad Mahir oo ah dhagarqabe sare oo AS ka tirsan ayaa wada fulinta qorshaha. Dabagal ayaan ku haynaa cid kaste oo ku lug leh.”

Kadib qoraalkan ayaa waxaa aad u kordhay hadal-hayn ku saabsan inuu halis wajahayo ra’iisul wasaare Rooble, ayada oo mucaaradka ay sheegeen in halistaas ay ka imaneyso dowladda dhexdeeda.

Khamiistii ayaan sheegay in Farmaajo maleegayo shirqool lagu dili rabo Rooble. Boor isku qariska NISA waxay cadeyn u tahay in fulintii qorshahaas soo dhawaaday,” waxaa sidaas yiri xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah xubnaha mucaaradka.

Haddaba yaa suga sideese loo sugaa amniga ra’iisul wasaaraha? 

Xafiiska uu ku shaqeeyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseyn Rooble, guriga uu degan yahay iyo naftiisaba waxa ay leeyihiin saddex lakab oo ilaalo ah, kuwaas oo kala ah: Ciidamo Dharcad ah, Milatari iyo AMISOM oo hadda magacooda iyo waajibaadkooda shaqaba wax laga badeley, loona bixiyay ATMIS.

Dharcadka

Ugu yaraan shan iyo labaatan ka mid ah ciidankaan ayaa marwalba heegan ugu jira amniga ra’iisul wasaaraha. Waxaa lagu magacaabaa(Ilaalada Dhaw), taas oo ka dhigan in ay markasta ku suganyihiin meel ay ka arki karaan Ra’iisul Wasaaraha, iyaga oo u raaca hoygiisa, xafiiska iyo goobaha kale ee uu aadayo.

Waxay caan ku yihiin xirashada shaar cad iyo suud madaw, iyaga oo garaarsan bastoolado, islamarkaasna gaarmo-daymoonaya. Waxay dadku xasuusteen xilligii ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo baraha bulshada lagu baahiyay sawirada iyaga oo dhinac rucleynaya gaariga ra’iisul wasaaraha.

Milatariga 

Guutada 77 aad ee ciidamada Xoogga Dalka ayaa qayb ka ah ilaalada ra’iisul wasaaraha, waxay si joogta ah u joogaan guriga iyo xafiiska ra’iisul wasaaraha, sidoo kale waxay u raaceen goobaha uu booqanayo. Waxay xirtaan tuutaha milatariga, iyo koofi midabkeedu yahay guduud iyaga oo ku hubaysan qoryo boobayaal ah iyo qasanado dheeraad ah.

Guutadaan ayaa shaqadoodu tahay in ay ilaaliyaan amniga madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha, guddoomiyaha baarlamaanka iyo aagga madaxtooyada. 

AMISOM (ATMIS)

Askar gaaraysa 130 oo ka tirsan qaybta koobaad ee ciidamada Amisom, gaar ahaan ciidamada UPDF ee ka socda waddanka Uganda ayaa iyana shaqadoodu tahay in ay sugaan amniga ra’iisul wasaaraha. 

Markii hore tirada ciidamadaas ee ilaaliya mudane Rooble waxay ahaayeen 30 askari, laakiin wixii ka dambeeyay 27 kii December 2021, markii ciidamo ka tirsan Guutada 77 aad oo waardiyeeye madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay la wareegeen kantaroolada laga galo xafiiska ra’iisul wasaaraha, ayaa lagu kordhiyay boqol askari ciidamadaan. 

Baqdinta cusub ee laga qabo ammaanka ra’iisul wasaaraha, ayaa markale maanta boqol askari oo cusub lagu kordhiyay ciidamada Amisom ee waardiyeeya ra’iisul wasaaraha, sida aan ka soo xiganay ilo amni oo u dhaw xafiiskiisa.

Sidoo kale marka uu aadayo goobo ka fog xafiiskiisa, waxaa ka qayb qaata amnigiisa ciidamada booliska oo uga sii hormara goobta uu tagayo.

Marka la isku daro intaas oo ilaalo ah oo gacanta ku haya amniga ra’iisul wasaare Rooble ayaa dad badan waxay is weydiinayaan sida ay suura gal ku noqon karto in Al shabaab beegsadaan ra’iisul wasaaraha dalka.

Sida ay sheegtay Samiira Qaacid oo ahayd madaxii hore ee qaybta amniga xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, waxaa jira weeraro lala beegsan karo ra’iisul wasaaraha laakiin aan marnaba bartilmaameedka u dhawaan karin.

Samiira ayaa tiri: “Waxay ila tahay in ay adkaaneyso in isaga la gaaro, laakiin isaga oo waddo maraya, kolonyadiisa ama ciidamada oo wadada maraya in markaas oo kale la beegsado waa suuragal”.

Dhanka kale Samiiro waxa ay bidhaamisay in qatarta amni ee laga digay ay noqon karto mid ku wajahan musharaxiinta madaxweynaha oo amni ahaan u nugul weeraro uga yimaada Al-Shabaab. 

Waxaa fikradaas sii xoojinaya in falanqeeyeyaal amni oo isku raacay in marka Al-Shabaab ay haleeli waayaan bartilmaameedkooda koowaad, in ay ku dhuftaan hadba cidda muhiimka ah ee aagga ka dhow ee la gaari karo.