Guddiga loo xil saaray xiisadda Soomaaliya iyo Kenya oo war cusub soo saaray

Muqdisho (Caasimada Online)  – Guddigii dhawaan uu Urur goboleedka IGAD u xil saaray xal u helida khilaafka diblumaasiyadeed ee ka dhex aloosan dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa maanta kulan la yeeshay madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Guddiga ayaa madaxweyne Geelle uga warbixiyey safaro ay ku tageen xadka dalalka Soomaaliya iyo Kenya, si ay usoo arkaan xaalada amaan ee ka jirta iyo cabashadii dowladda federaalka ee aheyd inay xukuumadda Kenya ay ciidamo soo dhoobtay.

Yaasiin Buux, Danjiraha Jabuuti ee Kenya oo isagu hor kacayey guddigan ayaa sheegay inay safaro kala duwan ku tageen xaduuda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, isla markaana qiimeyn buuxda kusoo sameeyen xaalada meeshaas ka jirta.

Buux ayaa sheegay in kulamo la qaateen Saraakiisha ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Kenya, isagoona xusay in kulan gaar ah la yeeshen saraakiisha AMISOM ee ku sugan halkaas, si ay u xaqiijiyaan cabasahda Soomaaliya ee ku qotonta in dhigeeda Kenya ay maleeshiyaad soo dhoobtay xad beeneedka labada dal.

Sidoo kale waxa uu sheegay in magaalada Muqdisho ay tageen, iyaga oo madaxda sarre ee dowlada kala hadlay arrimaha xalinta khilaafka labada dal, isla markaana uga warbixiyey indho-indheyntii ay kusoo mareen xuduuda labada dal.

Guddoomiye Buux ayaa ku gaabsaday inay kormeer iyo kulamo kala duwan la qaateen madaxda iyo saraakiisha labada dal ee xuduuda, hase yeeshe weli si dhab ah uma soo bandhigin guddigan xaqiiqada xiisada xadka.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore xiriirka ugu jartay dowladda Kenya oo ay ku eedeysay inay faro-gelin qaawan ku hayso arrimaha gudaha ee dalka iyo abaabulida maleeshiyaad ka dhan ah amaanka oo ay ku aruurinayso xaduudka labada dal.