Guddiga uu magacaabay Gaas oo soo saaray go’aano ku saabsan doorashada

Garoowe (Caasimada Online) – Guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka Puntland ee uu magacaabay madaxweyne Gaas ayaa maanta shaaciyay shuruudaha looga mid noqon karo Baarlamaanka iyo jadwalka la qabanayo araajida xubnaha u tartamaya Golaha wakiilada cusub.

Shuruudaha oo sida guddigu sheegay laga tixraacay Dastuurka dowladda Puntland ayaa waxay kala yihiin.

  1. In uu yahay muwaadin Puntland ah, muslim ah, guta waajibaadka diiniga ah, xilkas ah, anshax wanaagsan, miyirkiisu dhanyahay, da’diisu aanay ka yareyn 30 sano.
  2. In aan xuquuqdiisa muwaadinimo xukun maxkamadeed lagaga laalin, 5-tii sano ee la soo dhaafay.
  3. In uu leeyahay aqoon dugsi sare ama waayo aragnimo u dhiganta.
  4. In uu keensado habraacii soo xulista xubinnimada xeerkiisa.
  5. In uu keensado shahaado dugsi sare iyo wax u dhigma.
  6. In uu keensado labo sawir iyo taariikh nolaleedkiisa.

Guddiga ayaa dhinaca kale sheegay in qabashada araajida dadka doonaya xubinnimada Baarlamanka ay bilaabanayso 10 bishan December, kuna egtahay 15 isla bishan December.

Qoraalkan ayaa kusoo aaday xilli dhammaan musharaxiinta madaxweynaha Puntland ee aan ka ahayn Gaas, ay sheegeen inaysan aqoonsaneyn guddigan.

Caasimada online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com