Xal noocee ah ayuu Mursal ka qaadan doonaa 3-dii qodob ee la isku heystay?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal ayaa wada dadaaladii u dambeeyay ee uu ku xalinayo xiisada ka dhalatay kala diridii Guddiga Maaliyadda ee uu sameeyay Guddoomiye kuxigeenka 1aad, taasoo sababtay in maalmo hakad ku yimaado Fadhiga Baarlamaanka.

Warar ku dhow dhow Xarunta Villa Hargeysa ayaa sheegaya in Guddoomiye Mursal uu la kulmay Kuxigeenadiisa, Xildhibaanada labada dhinacyo iyo Madaxda sare ee dalka, isagoo kala hadlay sidii xeer jajab siyaasadeed lagu xalin lahaa kala diridaas, maadaama qaab sharci ah aan markii hore loo marin.

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ka gaabsaday inuu ka hadlo kala dirista Guddigii Maaliyadda ee uu ku dhaqaaqay guddoomiye ku xigeenka koowaad C/weli Ibraahim Muudey ayaa ka hor yimid ciidamada ay dowladda Federaalka geysay magaalada Baydhaba, wuxuuna taageeray xaqa uu Musharaxa Mukhtaar Roobow u leeyahay inuu tartamo.

Xogta la helay ayaa sheegeysa inay dood adag dhex martay Madaxweyne Farmaajo Guddoomiye Mursal, taasoo ku saabsaneyd xaaladda doorashada K/Galbeed iyo kala dirista Guddiga Maaliyada, iyadoo madaxweyne Farmaajo uu su’aal ka keenay waxa iska bedelay qorshihii ay isla meel dhigeen ee Doorashada K/Galkbeed..?, waxaana dood dheer kadib guddoomiyaha Baarlamaanka uu aqbalay in mar kale taageero qorshaha doorashada madaxda dowladda ee K/Gabeed.

Kala dirista Guddiga maaliyadda ayaa sidoo kale uu aqbalay Guddoomiye Mursal, isagoo sheegay inuu magacaabi doono Guddi cusub oo Maaliyadeed, laakiin warbixin uu siin doono Golaha Baarlamaanka Sabtida, taasoo lagu faahfaahinayo arinta Guddiga muranka ka dhashay.

Arrinta ugu muhiimsan ee Guddoomiyaha Baarlamaanka ka helay doodii uu la galay madaxweyne Farmaajo ayaa ahayd in xil loo magacaabo la-taliyihiisa saameynta badan ku leh, ahna kaaliyihiisii xillgiii uu safiirka ka ahaa Turkiga ee C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac), taasoo loo ogolaaday, basle aan din loogu celin doonin Hay’adda NISA.

Xildhibaan C/risaa Axmed Maxamed oo ka mid ah xubnihii Guddiga Maaliyadda ayaa sheegay in markii hore lagu fududaaday kala dirida Guddiga, isla markaana aan loo marin hab sharci ah oo xeer hoosaadka uu qabo.

“Waxaa rajeynayaa in arrintaas xal laga gaaro, Guddoomiyaha iyo kuxigeenadiisa waa ka heshiiyeen in arrin xal siyaasadeed lagu dhameeyo, maadaama aan markii hore aysan jirin xeer loo cuskaday kala dirida Guddiga, waxay ku xiran tahay sida guddiga heshiis u noqdaan”ayuu yiri Xildhibaan C/risaaq.

Waxaa uu sheegay in Guddiga Maaliyadda oo labo u kala jabay ay sabab u aheyd arrin siyaasadeed oo ka socotay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, isla markaana ay aheyd arrin la rabay in guddiga lagu kala dhantaalo.

“Guddoomiyaha wuxuu na yiri waa idinku soo war celinayaa, arrinta anigaa siyaasiyan u soo dhameynayo”ayuu yiri Xildhibaan C/risaaq Axmed Maxamed.

Kala dirida Guddiga Maaliyadda ayaa waxa ka dhashay doodo sharciyeed oo ku aadan in Guddoomiye kuxigeenka 1aad aanu u marin qodobada xeer hoosaadka, isla markaana aanu awood u laheyn inuu kala diro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com