Guddiga wada-hadallada Somalila iyo Somaliland oo la kulmay jaaliyada Istanbul

Istanbul (Caasimada Online) – Waxaa dalka Turkiga gaar ahaan magaalada Istanbul ka dhacay shir ay wada yeesheen ardayda Soomaalida ee halkaas ku sugan iyo guddiga dib u heshiisiinta Somalia iyo Somaliland.

Wararka ayaa sheegaya in shirka ay soo qabanqaabisay hay’adda cilmi-barista Geeska Afrika ee marka la soo gabiyo loo yaqaan DAD.

Hay’addan ayaa waxaa guddoomiye u ah guddoomiyihii hore ee Jaamacadda Muqdishu  Prof. Cali Sheikh Axmed Abubakar.

Guddigu ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa uu kulamo la qaatay qaar ka mid ah jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibediisa.

Jaaliyadaha uu guddigu la kulmay ayaa waxaa ka mid ah Soomaalida ku nool Geneva, Switzerland. Waxaa uu sidoo kale la kulmay hay’adda HD ee ka shaqeysa nabadda caalamka oo dhan.

Guddigan oo uu hogaaminayey gudoomiyaha guddiga xildhibaan Cabdullahi Sheekh Ismaaciil ayaa waxaa ka mid ah xildhibaan Cali Jaamac Jangali, General Axmed Jaamac iyo Dr. Caburaxman Baadiyow. Waxaa kale oo ka mid ayaa xiriiriyaha guddiga Maxamed Haddi.

Dhinaca kale ardayda ay la kulmeen ayaa si weyn uga dooday, soona jeedisay tallooyin wax ku ool ah. Kullamadaas waxey ka mid yihiin baararujinta iyo ka qaybgelinta shacabka Soomaaliyeed, talo ururinta arrimaha la xiriira wada-hadalka Somalia iyo Somaliland.

Cabdixakiin cilmi xasan
Nairobi Kenya
Cabdixakiin441@hotmail.com