R/W Khayre oo daah-furay munaasabadaha weyneynta xuska 60 guurada xorriyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xalay daah furay munaasabadaha weyneynta daah-furka xuska 60 sano guurada xorriyadda iyo midnimada Soomaaliyeed oo lagu qabtay beerta qarannimada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Kheyre ayaa sheegay in of kasta oo Soomaaliyeed laga doonayo inuu ka dhabeeyo himilooyinkii halgamayaashii Soomaaliyeed ee kasoo shaqeeyay xornimada dalka oo doonayay in dalka Soomaaliya uu kamid noqdo dalalka ugu horreeyay dunida.

Munaasabadda oo ay kasoo qayb galeen wasiirro xildhibaann, guddoomiyaha gobalka iyo mas’uuliyiin kale ayaa Ra’iisul Wasaaruhu sidoo kale ka sheegay in Soomaaliya ay soo ceshan karto sharaftii ay dunida ku laheyd hadii dhammaan dadka Soomaaliyeed ay ka wada shaqeeyaan.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Janaayo 04, 2020 waxuu magacaabay guddiga guddiga qaban-qaabada xuska maalmaha xorriyadda dalka oo shaqadoodu tahay inay qaban-qaabiyaan xuska maalmaha xorriyadda ee 26ka Juun iyo 1da July ee sanadkaan 2020.

Xuska ayaa sanadkaan kulansaday laba munaasabood oo muhiim ah kuwaas oo kala ah sanad guurada 60-aad iyo sanad guurada 20-aad ee dib-u-aasaaska dowladnimada Soomaaliya oo lagu dhisay degmada Carta ee Jahuuriyadda aan walaalaha nahay ee Djibouti.