Soomaaliya oo laga bixiyey lacagtii Bankiga Adduunka ka hor go’aanka in ay deyn cafin u qalanto iyo in kale

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Washington (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa laga bixiyey lacagtii uu ku lahaa Bankiga Adduunka, taasi oo soo geba-gebeysay dib usoo nooleynta xiriirka labada dhinac, ka hor inta aan Soomaaliya looga fakarin inay u qalanto deyn-cafin iyo in kale.

Iska bixintan deyntan ayaa macnaheedu yahay in Soomaaliya ay hadda kheyraad cusub ka heli karto Bankiga Adduunka, taasi oo dhabbaha u xaareysa dadaalka Soomaaliya ay ku gaareyso marxaladda go’aan ka gaarista (Decision Point), markaasi oo ah xilliga la go’aaminayo inay geli karto marxaladda ay ku heli karto deyn-cafin.

“Waxaan Soomaaliya ugu hambalyeynayaa inay soo gaartay marxaladda muhiimka ah taasi oo u ogolaaneysa inay fursad u hesho taageerada Banka Adduunka ee lagu horumarinayo nolosha bulshada,” waxaa sidaas yiri agaasimaha maamulka ee Bankiga Adduunka Axel van Trotsenburg.

Lacagta Soomaaliya ay iska bixisay oo gaareysay 365.9 milyan oo dollar ayaa waxaa bixiyey dowladda Norway. Lacagta Soomaaliya laga bixiyey ayaa ah tii uu ku lahaa Bankiga Adduunka, waxaase u harsan in laga cafiyo deynta dalalka caalamka ku leeyihiin oo gaareysa 5.3 bilyan oo dollar

Dadaalkan ayaa qeyb ka ah qorshe buuxa oo Soomaaliya ay sidoo kale ku bixisay dul-saaradii ay ku lahaayeen IMF iyo Bankiga Horumarinta Arfrica.

“Waxaan ku faraxsanahay in Norway ay ku tabarucday lacagtan. Waxaan sidoo kale ku faraxsanahay in Soomaaliya ay soo gaartay marxalad dhabbaha u xaari karta inay hesho deyn-cafin,” waxaa sidaas tiri wasiirka arrimaha dibedda Norway Ine Eriksen Søreide.

Soomaaliya ayaa la filayaa inay bishan gaarto marxaladda Decision Point. Haddii markaas la go’aamiyo in Soomaaliya ay u qalanto deyn-cafin, waxay billaabi doontaa dadaal cusub, oo ay ku gaareyso marxaladda dhameystirka ama Completion Point, markaasi oo deynta laga cafin doona, waxayna qaadan kartaa sanado badan.