Maamulka Xaaf oo jawaab ka bixiye heshiis la sheegay inay la galeen Qoor Qoor

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug garabka magaalada Gaalkacyo Ibraahim Xasan Guureeye oo warbaahinta kula hadlay magaalada Gaalkacyo ayaa beeniyay inay heshiis la galeen madaxweynaha Galmudug ee ee garabka dowladda Axmed Cabdi Qoor Qoor.

Madaxweyne ku xigeenka Qoor Qoor, Cali Daahir Ciid oo u warramay VOA ayaa sheegay inay heshiis la galeen Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo horay uga biyo diiday doorashadii Dhuusamareeb.

Ciid ayaa carabka ku dhuftay in Xaaf oo sheeganayey inuu weli yahay madaxeynaha maamulka Galmudug ay ka qanciyeen waxyaabihii uu ka tabanayey.

Hase yeeshee Ibraahim Guureeye, ayaa sheegay in aysan jirin xitaa wax wadahadal ah oo dhexmaray Xaaf iyo Qoor Qoor, iska daa heshiis’e, islamarkaana madaxweynaha rasmiga ah ee Galmudug uu yahay Xaaf.

Waxaa uu sheegay in ay ku howlan leeyihiin sidii loo xalin lahaa tabashooyinka kala duwan ee maamulka Galmudug, si maamulkooda u shaqeeyo, sida uu hadalka u dhigay

Guureeye ayaa ugu baaqay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay joojiso dagaallada uu sheegay inay colaadaha uga horinayso degaanada maamulka Galmudug iyo dhammaan gobolada Soomaaliya.

Maamulka Galmudug ee Xaaf ayaa fadhi ka dhigtay koonfurta Gaalkacyo, oo ay ku xoogan tahay beesha Xaaf, halka maamulka Galmudug ee Qoor Qoor uu hadda maamulo inta badan degaanada Galmudug, kadib markii ay ka adaakaadeen Ahlu-Sunna.