Guddiga wada-xaajoodka DF iyo Somaliland oo la kulmay golaha abwaannada

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saakay ay kulan wada-tashi ah la yeesheen  Guddiga wada-xaajoodka Dowladda Somaaliyeed iyo Somaliland  golaha abwaannada Somaliyeed.
Kulankaan ayaa waxa uu ka mid yahay Kulamo usbuucyadii la soo dhaafay ay Guddiga wada-xaajoodka Dowladda Somaaliyeed iyo Somaliland  la yeelayayeen in dhaha Bulashada Soomaaliyeed haday ahaan lahaayeem waxgaradka iyo dadka Ehelka u ah bulshada ay la yeelanayeen.
Sidoo kale kulankaan ayaa waxaa ka horeeyay  wada-tashi ay la yeesheen madaxda jaamacadaha, bulshada rayidka ah, dhallinyarada iyo shakhsiyaad kale duwan ee xog-ogaal ah.
Guddiga wada-xaajoodka Dowladda Somaaliyeed iyo Somaliland oo uu ka mid yahay  Dr C/raxmaan baadiyow ayaa sheegay in kulamada kale ay la yeelan doonaan  dowlad Goboleedyada si ay ula kulmaan siyaasiyiinta, dhaqanka, aqoonyahaannada iyo bulshada rayidka ah.
Dr Baadiyow oo ka mid ah Guddiga ayaa u sheegay Bogan in ay Rajaynayaan   iney urursado tallo loo dhanyahay oo keeni kara xal waara.
Dhinaca kale kulankaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa  Gudoomiye guddiga wada-xaajoodka xildhibaan Cabdullahi sheikh Ismaciil iyo abwaanno ay ka midyihiin abwaan Shube, Cali dhuux, Maki Xaaji iyo kuwa  kale oo halkaas ka hadla.
Cabdixakiin Cilmi Xasan
Nairobi, Kenya