Guddigii dhex-dhexaadinta Masjid Quba Amsterdam oo shaaciyay natiijadii kasoo baxday baaritaanka + Video

Amesterdam (Caasimada Online) – Guddigii dhexdhexaadinta & xalinta khilaafka masjidka Quba Amsterdam ayaa shalay la kulmay jaaliyada Soomaalida Holland; kulankaasi oo ahaa mid la wada sugayay waxaa lagu soo bandhigay natiijada dhexdhexaadintii ay wadeen guddiga odayaasha Tilburg & Eindhoven.

Guddiga ayaa kulanka ka hor soo bandhigay qoraal ay ku bayaaninayaan marxaladihii ay soo martay dhexdhexaadintii ay wadeen iyo darafta ay ula muuqato in laga gar leeyahay.
Guddiga odayaasha Tilburug waxaa ay madasha ka sheegeen in xalay sad-dhexe ku gaareen kulan ay la yeesheen Guddi kale oo Amsterdam ka dhisan, kuna soo baxay khilaafka.

Ujeedka kulanka labada guddi ee ka kala dhisan Tilburg & Amsterdam, wuxuu ahaa in laga wadahadalo suurtagalnimada in labada guddi fikir isku mid ahi ka qaadan karaan qaddiyada masaajid Quba.

Guddiga dhexdhexaadinta Tilburug oo ahaa guddiga waqtiga ugu badan geliyay howsha dhexdhexaadinta, ahaana guddigii labada dhinac u qoor dhiibteen, si buuxdana ay u cadeeyeen in ay kalsooni ku qabaan natiijadii ka soo baxda baaritaankooda, waxay shalay dadweynaha ka hor sheegeen in ay go’aamiyeen in Shiikh Suldaan laga saxan yahay, ayna gar leeyihiin dhalinyarada masjidka ku haray, waxay taxliil ku sameeyeen sababihii ay go’aankaasi u qaateen, oo ay ku kaabayeen dukumintiyo & codad ay sheegeen in ay labada dhinac ka duubeen muddadii ay dhexdhexaadintu socotay.

Dhinaca kale, sida aan ka soo xiganay ilo ku dhowdhow Guddiga ka dhisan Amsterdam, oo ay horkacayeen Cali Waare, Faysal, Qalinle & xubno kale, iyagu biya-dhaca doodoodu waxay aheyd, in labada guddi la middeeyo, howsha dhexdhexaadintana kow laga soo billaabo, dhalinyarada masjidka ku haray na soo wareejiyaan ammaanadii ay ummadda u hayeen si la mid ah sidii Shiikh Suldaan u soo wareejiyay, markaas kaddib na labada guddi oo middeysan ay go’aamiyaan sida laga yeelayo cidda maamuleysa masjidka, hasse ahaatee doodaasi waxaa ku gacan sayray Guddigii Tilburg oo ay ku jireen rag culimo ah, sheegayna in baaritaankooda ku saleysnaa xaq & cadaalad, ayna suurtagal ahayn in howl juhdi badan ay ku bixiyeen ogolaadaan in kow laga soo billaabo.

Hoos ka daawo muuqaalkii laga duubay kulanka

W/Q: Cabdishakuur Cilmi Xasan