Wararkii ugu dambeeyey ee qarax ka dhacay magaalada MUQDISHO + Khsaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac intaba.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay xaafadda Gubta ee degmada Dayniile, waxaana lala eegtay gaari Spacio ah, sida ay sheegeen ilo degaanka ah.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan 3 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan, sida ay innoo xaqiijiyeen dadka degaanka ee aan la hadalnay.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in gaariga la qarxiyey ay la socdeen askar ka tirsan ciidamada dowladda, kuwaas oo ka mid ah dadka ay waxyeelada soo gaartay.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo meydadka iyo dhaawaca dadka ka soo qaaday halkaasi, kadibna xiray meesha ay wax ka dhaceen.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada Dayniile iyo saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaasi.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana socda baaritaano dheeraad ah oo ay wadaan ciidamada ammaanka ee gaaray halkaasi.

Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii la soo dhaafay ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo u badan qaraxyo, waxaana ugu dambeeyey kii ka dhacay degmada Wadajir.