26.7 C
Mogadishu
Tuesday, November 18, 2025

Guddigii loo xil saaray kiiska Qalbi-Dhagax oo arrin cusub ay kasoo korortay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegayo in guddigii loo xil saaray kiiska Qalbi Dhagax loogu daray waqti dheeri ah kadib markii la sheegay inay soo gudbin waayeen macluumaad dhameystiran.

Guddigaan ayaa la sheegay in loogu daray muddo hal bil, iyadoo 10 Bishaan aheyd waqtigii laga sugayey inay Baarlamaanka usoo gudbiyaan natiijada kasoo baxday baaritaankii ay kusoo sameeyeen Kiiska Qalbi Dhagax iyo go’aanka xukuumadda ka qaadatay.

Guddigaan ayaa la magacaabay 18-kii bishii September, waxaana xilligaas lagu balamay inay 10 Bishaan soo gudbiyaan warbixin rasmi ah.

Wararka soo baxayo ayaa sheegayo inay lagama maarmaan noqotay in waqti kordhin loo sameeyo, waxaana arrintaas xaqiijiyey qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Kiiska Qalbi Dhagax ayaa noqday mid dhaliyey muran badan kadib markii ay ka hor imaadeen inta badan Shacabka iyo Siyaasiyiinta ku kacsan dowladda dhexe.

Howsha loo idmaday Guddigaan ayaa ah inay warbixin rasmi ah kasoo bixiyaan qaabka ay u dhacday dhiibistii Qalbi Dhagax iyo haddii dowladda Soomaaliya ay ku saxan tahay go’aankaas, waxaana loo badinayaa inay guddigaas soo dhaweyn doonaan arrintaan isla markaasna ay ku tilmaami doonaa mid saxan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News