Guddomiyaha cusub ee Golaha Wakiilada Somaliland oo ku dhaawacmay shaqaaqo ka dhacday xarunta Golaha

Hargeysa (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee maamulka Somalilandayaa waxay sheegayaan in shirka Baarlamaanka uu hakad galay iyada oo Ciidamo ka tirsan Booliska Somaliland ay gudaha u galeen Xarunta Baarlamaanka.

Arrintaas waxaa ay dhalatay markii Rasaas laga dhex maqlay Xarunta Baarlamaanka,iyada oo la sheegayo in Xabadda dhacday uu riday mid ka mid ah Ilaalada Xildhibaan ka mid ah Golaha wakiillada Somaliland.

Ciidamada Somaliland ayaa xiray Xarunta,waxaana ay gacanta ku dhigeen Askariga Riday Xabadda islamarkaana ay xabsiga u taxaabeen.

Ilaa hadda lama shaacin sababta Askarigaasi uga dhexriday Xabadda dhismaha Baarlamaanka Maamulka Somaliland.

Xilliga Xabadda dhaceysay waxaa socday muran ku saabsanaa Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Maamulka Somaliland oo dhawaan muran ka dhashay doorashadeeda kaddib markii Musharrixii laga guuleystay uu sheegay in isaga uu yahay shaqsiga guuleystay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Guddoomiyaha cusub Baarlamaanka Somaliland Baashi Maxamed Faarax ku dhaawacmay rasaasta ka dhacday xarunta Baarlamaanka.

Sidoo kale waxaa xabsiga loo taxaabay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliland.