Sawiro: Maxaa kusoo kordhay doorashada adag ee ka socta dalka Kenya

Nairobi (Caasimadda Online) – Dalka Kenya waxaa si habsami leh uga socda Doorashooyinka madaxtinimo ee dalkaasi,waxaana wali socota codbixinta.

Ilaa iyo hadda badan ayaa codkooda dhiibtay halka kuwo kale oo badan wali ay harsan yihiin,dadka ayaa ku jira safaf dhaadheer ay ugu sahlanaato bixinta codka.

Amaanka guud ayaa si weyn loo adkeeyay iyadoo ciidamo dheeraad ah la geeyay xarumaha waa weyn ee doorashooyinka ay ka dhacayaa.

Amaanka  Xaafada Soomaalida ay ku badan tahay ee Islii ayaa si weyn loo adkeeyay,iyadoo badi xaafadaasi dadka ay isaga barakaceen si aysan dhibaato uga soo gaarin haddii ay wax dhacaan.

Waxaa jagada madaxwaynanimada ku tartamaya 8 musharax oo ay uga cadcad yihiin madaxwaynaha iminka xilka haya Uhuru Kenyatta iyo hogamiyaha mucaaradka Raila Odinga.

Si uu musharaxa ugu guulaysto jagada madaxwaynaha wareega kowaad, waxaa looga baahan yahay boqolkiiba 50 lagu daray 1(50+1)oo ka mid ah codadka la dhiibtay.

Doorashadii aanu soo dhaafnay Mr Kenyatta ayaa ku guulaystay doorashada isaga oo helay 50.51 boqolkiiba halka Mr Odinga uu helay 43.7 boqolkiiba.

Haddii la waayo musharrax hela boqolkiiba 50 iyo hal cod , wareeg labaad ayaa la galayaa ,waxana ay tahay in doorashada wareega labaad la qabto mudo 30 maalmood gudahood ah.

Gudiga doorashada ayaa waxa ay sharciyan haystaan in muddo 7 maalmood gudahood ah ay ku dhhwaaqaan natiijada madaxwaynanimada.

Macluumaad ku saabsan doorashada

  • Doorashada guud ee Kenya ayaa wax ka qaybgalaya musharaxiin kor u dhaafaya 14,000 qof oo u tartamaya jagooyiinka kala duwan.
  • Boqolkiiba 45 ka mid ah dadka doorashadan Kenya codaynaya waxa ay da’dooda ka hoosaysaa 35 jir.
  • Tirada goobaha codadka laga dhiibanayo ayaa waxa ay dhan tahay 1451 xarumood .
  • Dhanka ammaanka waxaa loo diyaariyay in ay sugaan 180,000 oo askeri oo sugi doona ammaanka xilliga doorashada iyo ka dib ba.

Kenyans checking if their names are on the electoral lists at a polling station in the Nairobi South C, in Nairobi, Kenya, Monday Aug. 7, 2017. Kenyans are due to go to the polls on Aug. 8, to vote in presidential elections after a tightly-fought race between President Uhuru Kenyatta and main opposition leader Raila Odinga. ((AP Photo/ Sayyid Abdul Azim)