Guddoomiyaha BF oo ku dhowaaqay guddi billaabaya baaritaan cusub + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa guddi gaar ah u xil-saaray saameynta ka dhalatay cudurka saf-mareenka ah ee Coronavirus oo horey uga dilaacay Soomaaliya.

Guddigan oo ka kooban illaa 9 xildhibaan, ayaa waxaa looga fadhiyaa inay baaris ku soo sameeyaan dhibaatada ka dhalatay xanuunka iyo sida loo maareeyey dhaqaalihii loogu talagalay in lagu xakameeyo cudurkan oo qaar la sheegay in la musuq-maasuqay.

Sidoo kale guddiga ayaa qiimeyn doono in si siman adeegyada caafimaad loo gaarsiiyey dhammaan dadka Soomaaliyeed ee uu saameeyey cudurkaasi.

Qoraalka ka soo baxay xafiiska Mursal ayaa waxaa sidoo kale lagu shaaciyey in guddigan laga sugayo warbixin dhab ah oo ku aadan saameynta Covid-19 ee Soomaaliya.

Dhowaan xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhageystay warbixin ku aadan xaaladda Coronavirus iyo tallaabada ka hortagga ah ee la qaaday.

Si kastaba dowladda federaalka ayaa horey u xir-xirtay mas’uuliyiin & shaqaale ka tirsan wasaaradda caafimaadka oo lagu eedeeyey inay musuq-maasuqeen gargaarka Covid-19.