Maxay Qaramada Midoobe ka tiri maalgashiga Turkey ee Somalia oo gaaray $bilyan?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan ayaa markii ugu horreysay si faah faahsan uga hadlay maalgashiga Turkiga ee Soomaaliya iyo taageerada uu siiyo dowlada dhexe.

Swan oo la hadlayey wargeyska Daily News ayaa marka hore boggaadiyey sida hagar la’aanta ah ee ay xukuumadda Ankara u garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu shaaciyey in maalgashiga iyo kaalmada horumarineed ee Turkiga ay sare u qaaday kobaha dhaqaalaha ee dalka, ayna yareysay  shaqo la’aanta.

“Waxaan aragnaa jawaabta Turkiga ee baahiyaha muhiimka ah. Dadaallada Turkiga ee ku aaddan dhismaha waddooyinka [ama] shirkadaha gaarka loo leeyahay ee lagu horumarinayo shaqada iyo waxqabadka garoonka si loo hubiyo in howlaha dekedda ay saameyn ballaaran ku yeesheen dhaqaalaha, gaar ahaan magaalada Muqdisho,” ayuu James Swan.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sidoo kale xusay in dhammaan kaalmadaas ay muhiim u tahay kaabayaasha dhaqaale ee dalka Soomaaliya

“Kuwani waa qaybo muhiim u ah kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka,” ayii sii raaciyey ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Taageerada Turkiga ee Soomaaliya, gaar ahaan dhanka maalgashiga ayaa maanta  gaartay qadar dhan $ 1 bilyan oo aysan ku jirin howlaha bani’aadanimo iyo horumarka.

James Swan ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in tababarada Turkiga uu siiyo ciidamada Soomaaliya au door weyn ka qaadaneyso awooda iyo dhismaha Xoogga Soomaaliyeed.

“Taageerada balaaran ee loo fidiyay barnaamijka tababarka ciidamada ee Turkiga waxay gacan ka gaysatay dhismaha awooda amniga ee Soomaaliya. Tani waa muhiim maxaa yeelay, ugu dambeyn rajada laga qabo waxay tahay in ciidamada Soomaaliya ay la wareegaan mas’uuliyadda koowaad ee amniga qaranka,” ayuu markale yiri Swan.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxaa haatan ka dhexeeyo xiriir xoogan iyo iskaashi dhinacyo kala duwan leh oo soo billowday, tan iyo sanadkii 2011-kii.