Xog: Tirada ciidamada ay dowlada Ethiopia ka saartay Soomaaliya oo la ogaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta Bloomberg ee Mareykanka ayaa werisay in dowladda Ethiopia ay kumanaan askari kala baxday Soomaaliya, sida ay sheegeen saddex ilo-wareed oo xog-ogaal ah.

Caasimada Online ayaa aheyd warbaahintii ugu horreysay ee toddobaad ka hor shaacisay in qaar ka mid ah ciidamada Ethiopia ee aan ka tirsaneyn Amisom laga saaray Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Gedo, inkasta aynan helin tirada rasmiga ah.

Hase yeeshee Bloomberg ayaa werisay in Ethiopia ay Soomaaliya ka saartay 3,000 oo askari, kuwaasi oo dib loogu daad gureeyey dalkooda, si ay gacan uga gaystaan dagaalka lagu qaaday gobolka Tigray, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Si la mid ah Caasimada Online, Bloomberg waxay werisay in ciidamada la saaray aysan qeyb ka ahayn 5,000 askari ee Ethiopia ugu jirta howlgalka nabad ilaalinta ee Amisom.

Afhayeenka wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, oo arrintan wax laga weydiiyey ayaa sheegay in su’aalaha la xiriira arrintan la weydiiyo dowladda Ethiopia, maadaama ciidamada la saaray aysan ahayn kuwa qeybta ka ah Amisom.

Dhinaca kale, Caasimada Online ayaa ogaatay in Wasaaradda Gaashaandhigga Ethiopia ay billowday inay saraakiisha Tigray-ga ee qeybta ka ah ciidamada Amisom ka saarto Soomaaliya.

Qorshahan ka dhanka ah saraakiisha Tigray-ga ayaa ah mid qoto dheer oo dhinac walba looga beegsanayo, xilli uu socdo dagaal xooggan oo u dhaxeeya dowladda uu hoggaamiyo Abiy Ahmed iyo gobolka Tigray-ga ee dalkaas.

Sababta loo saarayo saraakiisha iyo ciidamada Tigray-ga ayaa lagu sheegay inay tahay inaan la isku haleyn karin daacadnimadooda.