Xog: Ciidamada Ethiopia oo bilaabay inay ka baxaan Gedo

Doolow (Caasimada Online) – Ciidamada Ethiopia ayaa billaabay inay ka baxaan gobolka Gedo, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay iyo goobjoogeyaal u sheegeen Caasimada Online.

Xubno ka tirsan maamulka gobolka Gedo, oo codsaday inaan la magacaabin, ayaa Caasimada Online u sheegay in labadii maalmood ee tegay ay qaar ka mid ah ciidanka Ethiopia ee aan ka tirsaneyn Amisom ay ka baxeen gobolka.

Sidoo kale qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey inay arkeen ciidankan oo ka gudbaya xuduudda gobolka Gedo uu la wadaago Ethiopia.

Illaa iyo hadda ma cadda sababta ay ciidamada Ethiopia uga baxayaan gobolka Gedo. Waxaan sidoo kale caddeyn tirada ciidanka baxay iyo kuwa ku haray gobolka iyo guud ahaan Soomaaliya ee aan ka tirsaneyn Amisom.

Si kastaba bixitaankan ayaa imanaya ayada oo dalka Ethiopia ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeysa dowladda uu hoggaamiyo Abiy Ahmed iyo gobolka Tigray-ga ee dalkaas.

Abiy Ahmed ayaa Arbacadii sheegay inuu ciidamada militariga amray inay jawaab ka bixiyaan “weerar” xisbiga maamula gobolka Tigray ku qaadeen xero ay ku jireen ciidamada federaalka.

“Ciidamadeena difaaca waxaan amray inay fuliyaan howl-gal lagu bad-baadinayo dalka. Waxaa laga gudbay diilintii ugu dambeysay ee caseyd. Waxaa ciidamada loo adeegsanayaa tallaabada kama dambeysta ah ee lagu bad-baadinayo shacabka iyo dalka,” ayuu yiri.

TPLF ayaa muddo ku dhow 30 sano xukumayey Ethiopia ka hor inta anau Abiy xukunka la wareegin sanaddii 2018.

Intii uu xukunka hayey Abiy, hogaamiyayaasha Tigray ayaa si joogto ah uga cabanayey in si aan caddaalad aheyn loola beegsaday dacwado la xiriira musuq-maasuq, laga eryey xilal badan oo sare, islamarkaana dusha laga saaray mas’uuliyadda dhibaatooyinka dalka ka jira.

Xiisadda labada dhinac ayaa kasii dartay horranatii sanadkan markii dowladda ay dib u dhigtay doorahsooyinkii dalka, ayada oo qiil ka dhiganeysa cudurka Coronavirus, taasi oo ay ka hor-yimaadeen TPLF.