Rooble oo war ka soo saaray shirkii banbaxa wasiirada ee MUQDISHO ka dhacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa war ka soo saaray shirkii Banbaxa golaha wasiirrada oo galabta lasoo gabagabeeyey, kaas oo hotel ku yaalla garoonka Aadan Cadde seddax maalin ka socday.

Arrimihii ugu waaweyn ee shirkaas looga hadlay waxaa ka mid ahaa, doorka wasaarad kasta ay ku leedahay hir-gelinta heshiisyadii iyo habraacyada doorashooyinka dadban ee lagu wado inay dalka ka dhacaan sanadkan 2020/2021, xeer-hoosaadka golaha wasiirrada, arrimaha caddaaladda iyo sugidda amniga guud, gaar ahaan kan doorashooyinka.

Sidoo kale waxaa lagu soo hadal qaaday shirkaas dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, arrimaha dib u habaynta dhaqaalaha, adeegyada bulshada iyo u diyaargarowga hadii uu soo laba-kacleeyo Coronavirus.

“Waxaa kale oo looga faa’idaystay banbax howlleedkan dhamaystirka qorshaha 100-ka maalmood ee Xukumadda iyo axdiga balanqaadka howl-fulineed ee wasaarad walba la gashay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xukuumadda.

Qoraalka ayaa intaas ku daray, “Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa carabka ku adkeeyay muhiimada la dagaalanka musuq maasuqa, in doorashooyinka 2020/2021 u dhacaan si hufan oo cadaalad ku salaysan iyo in la dhowro qoondada 30% ee haweenka. Waxaa kale oo la isla gartay in laga shaqeeyo khariidada doorashooyinka Qof iyo Cod ee 2021-2025.”

Qoraalkan ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble waxa lagu sheegay in “Xukuumaddu balan-qaaday in fulinta arrintan ay qayb muhiim ah ka tahay Barnaamijka Xukuumadda, si looga baaqsado dib-u-dhac ku yimaada doorashooyinka afar sano kadib, si aan mar kale loogu laaban doorashooyin dadban.”

Ra’iisul wasaaraha ayaa dhamaan xubnaha golihiisa wasiirrada faray in uusan hakad ku imaan addeegyada wasaaraduhu u hayaan bulshadda, inta lagu guda jiro doorashooyinka.

Ugu dambeyntii qoraalka laga soo saaray shirkii Banxaba ee Muqdisho ka socday seddaxdii maalmood la soo dhaafay waxaa lagu sheegay in qodobadii diiradda lagu saaray uu ka mid ahaa barnaamijka dhab u heshiinsiinta dalka iyo wax ka qabashadda tacaddiyada loo geysto haweenka iyo caruurta.

Seddaxdii maalmood ee lasoo dhaafay oo shirkaas uu ka socday hotel ku yaalla gudaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, waxaa xirnaa inta badan wadooyinka magaalada Muqdisho, waxaana adkaatay xaaladda dadka ku nool magaalada, maadaama inta badan jidadkii yar yaraa ee magaalada ay biyo fariisteen, kuwii waaweynaana ciidamada dowladdu xirteen.