Faah-faahin: Qarax caawa ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax noociisa lagu sheegay Miinada wadada dhinaceeda la dhigay ayaa goor dhow ka dhacay meel u dhow isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in qaraxa lala beegsaday gaari uu watay wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda Soomaaliya oo halkaas marayay.

Wararku waxay intaas ku darayaan in wax khasaare ah uusan qaraxaas ka soo gaarin gaarigii lala damacsanaa iyo dadkii saarnaaba.

Ciidamada booliska Soomaaliya ayaa xiray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxayna dad ka agdhow isgoyska KM-4 noo sheegeen in gaari HILUX goobta uu qaraxu ka dhacay laga jiiday.

Wararkii u dambeeyey waxay sheegayaan in dad goobta ka agdhawaa uu khasaare ka soo gaaray qaraxaas, balse weli lama xaqiijin karo inta uu dhanyahay.

Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online Insha Allaah.