Madaxweyne Guudlaawe oo doorashadiisa kadib weerar ku qaaday beesha caalamka

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee maamulka HirShabelle, Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) oo la hadlayey warbaahinta ayaa eedeyntiisii ugu horreysau u jeediyey beesha caalamka ee fadhigooda yahay magaalada Muqdisho.

Cali Guudlaawe ayaa sheegay in xubnaha beesha caalamka aysan wax gacan ah ka geysan dhismaha maamulka HirShabelle iyo doorashadii ka dhacday Jowhar.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in iyagu ay tashteen, islamarkaana ay dhisteen maamulkooda sida uu hadalka u dhigay.

“Beesha caalamka wax gacan ah oo ay nagu siiyeen majirto dhismaha HirShabelle, anaguna waan tashanay,” ayuu yiri madaxweyne Cali Guudlaawe.

Madaxweynaha cusub ee HirShabelle oo hadalkiisa ayaa wata ayaa amaan iyo boggaadin u jeediyey odayaasha dhaqanka iyo guddiga dhismaha ee maamulkaasi ee ka shaqeeyey soo xulista xildhibaanada cusub iyo doorashadii madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay shacabka qeybihiisa kala duwan inay la shaqeeyaan maamulkiisa, si loo horumariyo gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.