Guddoomiyaha degmada Garbahaarey oo la kulanka Rooble kadib xilka la tegaya

Garbaaharey (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, Xasan Sheekh Cilmi oo la hadlay wariyeyaasha ayaa shaaca ka qaaday inuu diyaar u yahay inuu wareejiyo xilka uu hayo, si loo fuliyo heshiiskii laga gaaray doorashooyinka Soomaaliya, sidoo kalena doorasho loogu qabto magaaladaasi.

Xasan Sheekh Cilmi ayaa tilmaamay ayaa tilmaamay inuu xilka wareejin doono kadib marka uu la kulmo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo saacadaha soo socdo ku wajahay magaalada Garbahaarey oo xarun u ah gobolka Gedo ee koonfurta dalka Soomaaliya.

“Maayarka la badalayo aniga weeye, si ay u sahlanaato qabsoomidda Doorashooyinka ee heshiisyada nuucyada badan laga gaaray waxa aan diyaar u ahay in aan wareejiyo xilka Guddoomiyaha Degmada Garbahaarey,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Garbahaarey.

Sidoo kale wuxuu sababta ku sheegay in uusan dooneyn inay dib u dhacdo doorashada Soomaaliya, isaga dartiis, gaar ahaan khilaafka siyaasadeed ee ka jira Garbahaarey.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale intaasi ku daray inuu u tanaasulay dalka iyo dadka, si looga gudbo khilaafka muddada dheer ragaadiyey doorashooyinka Soomaaliya.

“Wax dad qancin ah kama raadinayo in aan xilka wareejiyo, ujeedada aan ku qancay ayaa ah in Doorashada xiligeeda ay ku dhacdo, maadaama aan fiiriyay dhibaatooyinka dalka uu ku jiro waxa aan go’aansaday in aan tanaasulo” ayuu raaciyey uddoomiyuhu.

Heshiiskii Muqdisho lagu gaaray ee saldhigga u ah doorashooyinka dalka ayaa waxaa ka mid ah in Axmed Madoobe uu soo magacaabo maamulka Garbahaarey, sidoo kalena la geeyo Boolis AMISOM, si magaaladaasi loogu qabatay doorashada kuraasta taal halkaas.

Si kastaba ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo haatan ku sugan Kismaayo ayaa maanta tegaya magaaladaasi, si loo dhammeystiro heshiiska doorashooyinka, wuxuuna sidoo kale u kuur-geli doonaa xaaladda magaaladaasi, maadaama lagu qabanayo doorasho.