Guddoomiyaha degmada Shibis oo xilka laga qaaday xabsiga-na loo taxaabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish) ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyihii degmada Shibis Cabdiraxmaan Sayid Cali, xilli uu wajahayo eedeymo la xiriira musuq-maasuq.

Cabdiraxmaan Sayid Cali ayaa markii xilka laga qaaday kadib lagu xiray xarunta dambi-baarista CID ee Muqdisho, ayada oo uu ku socdo baaritaan musuq-maasuq oo ka dhashay lacag lagu soo rogay dadka degan degmada Shibis.

Maamulka Degmada Shibis ayaa dhowaan waxa uu qoysaska dagan degmadaasi ku amray in ay bixiyaan lacagta dhan 12$, taasi oo laga rabo guri kasta oo ka mid ah guryaha ku yaalla degmada.

Lacagta ay soo rogtay degmada Shibis ayaa ahayd mid ku kooban oo maamulka gobolka uusan ka war-hayn islamarkaana aysan la wadaagin degmooyinka kale ee gobolka.

Warqadda lacagta oo lagu sheegay lacag diiwaan-gelin ah ayaa waxaa warbaahinta la wadaagay dadka xaafadda, ayaga oo cabasho ka muujiyey taasi oo sida la sheegay maamulka gobolka uu ka war-helay.

Markii maamulka Shibis uu soo saaray amarkan, ayaa dadka xaafadda la amray inay bixiyaan lacagtan dhan 12$ qoys kasta, qoyskii diidana laga qaadi doono tallaabo adag, sida ku qoran warqado shacabka loo qeybiyay.

“Ma awoodno lacagtaan sababtoo ah shaqo ma jirto, shaqooyinkii waxaa loo fasaxay Covid-19 caruurtayda ayaa u la’ahay waxay cunaan meel kale lacag igama soo gasho dowladda waxaan ka codsanaynaa iney naga joojiso go’aankaan,” ayuu yiri mid kamid ah odayaasha ku nool degmadaasi oo la hadlay Caasimada Online.