Guddoomiyaha Sh/Dhexe iyo waxgaradka Abgaal oo ka horyimid guddiga uu magacaabay Odowaa

(Caasimada Online – Muqdisho) Waxgaradka ka soo jeedda deegaanada Gobolka Shabeelaha dhexe oo manta kulan ku yeeshay magaladda muqdisho ayaa ka hadlay marxaladda ay haatan marayaan maamul u sameynta Goboladda Sh/dhexe iyo hiiraan iyo sida ay u arkaan dariiqa loo maray magacaabista gudiga farsamadda ee dhismaha maamul u sameynta Gobolka Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.

Waxgaradkaan ayaa sheegay in qoraalkii ka soo baxay Wasaaradda arimaha gudaha ee xukuumadda federalka soomaliya uu qeexaayay in labada Gobol loo magacaabay gudiga Farsamadda iyadoo ay sheegeen in gobolkasta loo qoondeeyay min 7 xubnood, tirada guudna ay tahay 14 xubin oo ah gudigii farsamadda ee soo qaabeyn lahaa dhismahaasi.

Xubnahaan maanta qabtay kulanka ayaa xusay in Wasaradda arimaha Gudaha aysan suura gal aheyn in ay u magacaawdo 14 xubnood, balse loo baahnaa in tirada intaasi laga kordhoyo si ay u qancaan qeybaha kala duwan ee bulshadda ku abtirsata goboladaasi.

Xubnihii kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in maamulkii ugu dambeeyay ee laga yagleelay bartamaha dalka soomaliya oo weliba ahaa gobol iyo Bar ergadii loo dhisay ay aheeyd 31 xubnood sidaasi awgeeyd in maanta Labadda gobol oo weliba u dhigma laba iyo wax ka badan tiradiisa ergadda lagu soo koobo 14 xubnood aysan marnaba aqbali kareynin, sidaasi darteedna ay ka soo horjeedaan, iyagoo ugu baaqay wasiirka arimaha gudaha in uu arintaasi si degdeg ah uga bixiyo cudurdaar ama raaligelin.

Xubnahaan ayaa sidoo kale sheegay in qoraalka Wasiirka uu hareer marsan yahay sharciga u degsan sameeynta maamulada gobolada dalka kaas oo bulshadda gobolkasta u fasaxaaya in ay iyagu u madax banaanyihiin xukuumadda dalka ka jirtana kaliya looga baahan yahay in ay ka kaalmeyso wixii caqabad ah ee ka horyimaada gobolkastana oo u madaxbanan yahay in uu raaci karro gobolkii uu doonaayo.

Xubnihii kulankaasi ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Nabadoon Cabdi Cadaan Nabadoon Cumar Ibraahim Cusuboow,Muxdiin Xasan Cali Darbaweyne,Maxamuud Tooxoow Ciidoole, Ex Xildhibaan Muuse Cali Cumar, Muumino kutuboqaad iyo xubno kale.

Gabagabadii kulankaasi waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Daladda Ururadda Bulshadda Rayidka ah ee Ex banaadir Xaaji Muxidiin Xasan Afrax isagoo sheegay in ururadda bulshadda Ex banaadir ay arintaani marnaba ogolaaneynin in dadka deegaanka wax loo meyriyo balse loo baahan yahay in masiirkoodda siyaasadeed loo madaxbanaaneeyo Dawladda federalkana ay ka deyso faregelinta siyaasadeed ee ay ku hayso taas oo uu sheegay in bulshooyinka gobolka shabeelaha dhexe aysan marnaba arintaasi aysan jecleysan doonin.