Puntland: Sarkaal dilay saraakiil kale oo ciidan

Muqdisho (Caasimada Online) – Askari ka tirsanaa Ciidamada daraawiishta Puntland ayaa maanta toogasho bareer ah ku dilay 3 Saraakiil oo ka tirsanaa Ciidamada Daraawiishta.

Dilka Saraakiishaani ayaa la sheegayaa inuu ka dhacay Jiida buuraleyda galgala ee Puntland, waxaana la tilmaamayaa in sidoo kale Askarigaasi uu dhaawac culus u geystay 3 Saraakiil kale oo ka tirsanaa isla Ciidamadaasi.

Askariga falkaani geystay ayaa waxaa durbadiiba isna rasaas ku furay mid kamid ahaa Askarta oo dhaawac u geystay kadib markii uu isku dayay inuu cararo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Askariga dilka geystay madaxa looga jiray, inkastoo Saraakiisha Ciidamada Maamulka ay ku adkeysanayaan inay ku sameynayaan baaritaano.

“Askariga toogashada geystay iyo askarta kale ee ku dhintay iyo kuwii dhaawucu kasoo gaaray ma jirin wax khilaaf ah oo dhex-yaallay, laakiin askarigan oo sarkaal xigeen ahaa madaxa ayuu ka xanuunsanaa,” waxaa sidaa yiri Col. Shire oo kamid ahaa Saraakiisha Ciidamada.

Toogashadaani uu geystay askariga ayaa imaaneysa xili mudooyinkaani danbe ay qaar kamid ah Ciidamada Puntland bilaaben inay si maalayacni ah isugu furaan rasaas nool nool.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com