Daawo Sawirrada: Shirkad ay leedahay China oo soo bandhigtay diyaaraddii ugu horreysay ee…

Beijing (Caasimada Online) – Shirkad sameysa diyaaradaha oo aay leedahay dowladda China ayaa markii ugu horreysay soo bandhigtay nooc diyaaradaha rakaabka ah oo loogu magac daray C919. Diyaarad oo markiiba qaadi karta rakaab dhan 168 qof, isugana gooshi karta dhul dhan 3,444 oo mile.

Daah furka diyaaraddan ayaa waxaa ka soo qeyb galay marti dhan 4.000. Madaxa saadaasha hawada ee China Li Jiaxiang, ayaa sheegay “Baahida socdaalka hawada, Shiinaha kuma tiirsanaan doono in aay dibadda ka soo iibsadaan diyaarada lagu sameeyay waddama kale”

Diyaaradan ayaa la filayaa in aay baahi badan ka daboosho shirkadaha diyaaradaha ee Dalka china iyo kuwa waddamada soo korayaba. China ayaa hadda suuq weyn ku leh dhanka ganacsiga wadamada Africa, iyadoo la filaayo shirkado diyaarado oo African ah in aay iibsadaa diyaaradaha lagu sameey dalka China.

china6 china5 china4 china3 china2 china1 china

Maxamed Tahliil
Caasimada Online
Shanghai China