Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, waxaa maalintii 3-aad ku sugan wafdi uu hoggoominaayo guddoomiyaha gobalka Gedo, Maxamed Cabdi Kaliil, oo isku dhiibay maamulka Axmed Madoobe..
Guddoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa, ayaa waxa ay kulamo gaar gaar ah ay la qaateen mas’uuliyiin maamulka KMG ah ee Jubba ka tirsn, oo ku qasbay inuu kusoo biiro maamulkiisa.
Ilo xog ogaal oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in guddoomiyaha gobalka Gedo uu caddeeyay in uu ka mid yahay maamulka Axmed Madoobe isla markaana uu yahay guddoomiyaha dowladda ee gobalka Gedo.
Waxa ay taasi ka dambeysay kaddib markii ay marar badan kooxda Axmed Madoobe ku hanjabeen inay qabsan doonaan gobolka Gedo.
Waxaa la sheegayaa in Kaliil loo magacaabi doono xil kale marka uu soo dhammaado kulamada ka socda xarunta madaxtooyada ee Kismaayo.
Kaliil ayaa si cad ah u yiri “Maanta wixii ka billowda waxaan ka mid ahay maamulka Jubba, gobalka Gedana wuxuu qeyb ka yahay maamulka KMG ah ee Jubba”
Sidda ay lee yihiin ilaha xog ogaal ah ee noo warramay, Kaliil in uu yimaado Kismaayo waxaa sabab u ahayd markii uu khilaaf soo kala dhex galay dowladda fedaraalka oo isagoo ku sugan Muqdisho uu madaxweynaha ka tagay isagoo ku socda Garbahaareey.
Waxaa jiray kulamo u socday maamulka Axmed Madoobe iyo guddoomiyaha gobalka Gedo, waxaana horey u tagay gobalka Gedo wafdii uu hor kacaayay madaxweyne ku xigeenka maamulka Axmed Jeneraal Fartaag, oo kasoo dhammeeyey Kaliil inuu kusoo biiro Axmed Madoobe, ama la weerari doono.
Ilaa hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka KMG ah ee Jubba oo ku aadan immaatinka Maxamed Cabdi Kaliil iyo ku-xigeenkiisa oo Kismaayo ku sugan.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Kismaayo