CIIDAMO aad u hubeysnaa oo xoog ku galay Xarunta garsoorka qaranka ee…

Muqdisho (Caasimada Online – Ciidamo ka tirsanaa Dowlada Federaalka Somalia, ayaa la sheegayaa inay xoog ku galeen Xarunta Garsoorka Qaranka, iyagoona halkaasi ka saaray shaqaale ka tirsanaa Xarunta.

Ciidamada ayaa la sheegayaa inuu Hoggaaminaayay Wasiir ku-xigeenka Cadaalada iyo Dastuurka, waxaana la tilmaamayaa in goortaasi uu waday Axmed Cali Daahir oo maalmo ka hor loo magacaabay Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Wasiir ku-xigeenka ayaa waxa uu Xarunta geeyay in kabadan 150 Ciidamo ka tirsan Dowlada kuwaasi oo awood u adeegsaday Shaqaalaha iyo Mas’uuliyiintii ku sugnaa Xarunta.

Xarunta ayaa waxaa iminka ku sugan Ciidamo farabadan kuwaasi oo Xarunta ka mamnuucay C/qaadir Maxamed Muuse oo laga qaaday Xilkaasi, waxaana cabsi laga muujinayaa in halkaasi ay ka dhacaan gacan ka hadal, maadaama buuqa uu sii daba dheeraanayo.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Dalka Abukaate Ceydiid C/laahi Ilka Xanaf, ayaa dhankiisa ka sheegay in Madaxweynaha iyo Wasiirka Dastuurka ay wadaan Afganbin lagu sameynaayo Xafiisyada Garsoorka waxa uuna Ilka xanaf ka digay in Dalka dib loogu celsho 23-sanno ee laga soo talaabay.

Dhanka kale, Ilka Xanaf waxa uu Carabka ku dhuftay inay diyaar u yihiin wax waliba oo kaga imaada dhanka Dowlada wada hadal iyo awoodba, sida uu hadalka u dhigay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com