Warqado caddeynaya kaalintii Fowsiya Yuusuf ku ahayd soo furshada hantida SOMALIA uga xayiran dibedaha (ARAG)

Muqdisho (Caasimada Online) – Documents ay heshay Caasimada Online, ayaa muujinaya kaalintii ay wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ku lahayd isku dayadii lagu soo furanayey hantida dibedaha uga xayiran Somalia.

Inkasta oo in lasoo furto hantidaas aysan ahayn sharci darro, oo Soomaaliya ay u baahan tahay, haddana cidda iska leh mas’uuliyadda iyo hadallo horey uga soo baxay Fowsiya ayaa shaki muujinaya.

Kooxda QM u qaabilsan daba-galka xayiraadda hubka ee saaran Soomaaliya ee UN Monitoring Group ayaa Fowsiya ku eedeysay inay isku dayday inay qeyb ka mid ah hantidaas dhacdo.

Sida ku cad warqadda ay heshay Caasimada Online, Fowsiya waxa ay adeegsatay awoodda madaxweynaha Soomaaliya, ayada oo warqad qoraal ah u dirtay safaaradda Switzerland ee Nairobi.

Waxa ay warqadda ku codsatay in Switzerland ay ka caawiso sidii ay dowladda France u aamini lahayd, uguna soo wareejin lahayd hanti taalla Faransiiska oo ay Soomaaliya leedahay.

Fowsiya, ayaa marar badan beenisay inay wax lug ah ku lahayd soo furashada hantida Somalia uga xayiran dibedaha, hase yeeshee warqadahan cusub ayaa caddeynaya inay kaalin weyn ku lahayd, ama ahayd qofkii howsha kala waday.

Hoos ka arag documents-yada ay heshay Caasimada Online

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com