MAGAALADA marti gelineysa dhismaha MAAMULKA G/DHEXE oo la shaaciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Ximin & Xeeb, ayaa waxa uu marti gelin doonaa shirka lagu soo dhisaayo Maamulka Gobolada Galgaduud iyo Mudug, ee lagu wado in loo dhiso bulshada degan Goboladaasi.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ahna Federalka ee Xukuumada Somaliya C/laahi Goodax Barre, ayaa waxa uu shalay galab iclaamiyay in Magaalada Cadaado ee Xarunta Ximin & Xeeb lagu soo dhisi doono Maamulka Gobolada Dhexe.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo soo dhoweeyay tallaabada Ximin & Xeeb ku aqbashay, in ay kaga mid noqoto Maamulka lagu wado in loo dhiso Gobolada Dhexe, ayaa waxa uu ku booriyay martigelinta ay martigelineyso Dhismaha Maamulka Gobolada Dhexe.

Ergada ka qayb qaadaneyso Dhismaha Maamulka Gobolada Galgaduud iyo Mudug, ayaa waxay taggi doontaa Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha Maamulka Ximin & Xeeb C/laahi Cali Maxamed (Baarleex), ayaa waxa uu soo dhaweeyay in Maamulkiisu uu martigeliyo qorshaha lagu soo dhisaayo Maamul lagu mideysan yahay, oo laga hirgeliyo Gobolada Dhexe.

Dhanka kale waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in Madaxweynaha Maamulka Galmudug General Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), uu ka horyimid in shirka lagu qabto Magaalada Cadaado.

General Qeybdiid, ayaa toddobaadkii hore si weyn u taageersanaa in Gobolada Dhexe laga hirgeliyo hal Maamul, oo lagu wada mideynaayo dhammaan Maamulada kala duwan ee ka jira.

Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, ayaa iyadu ku adkeysaneysa inaanay xubin ka noqon hirgelinta Maamulka Gobolada Dhexe.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com