XASAN SH.: Shirkii Africa iyo USA guul weyn ayuu noo ahaa, waxaana Obama..

Washington DC (Caasimada Online)-Magaalada Washington DC ee dalka Maraykanka waxaa lagu gabagabeeyay shirweyne taarikhi ah kaasoo dhex maray madaxda dalkan Maraykanka in ka badan 50 hoggaamiye oo Afrika ka socda.

Shirka wax yaabaha sida weyn looga hadlay waxaa ka mid ahaa siddii Maraykanka uu iskaashi ganacsi ula sameyn lahaa Afrika.

Sidoo kale shirka waxaa looga hadlay arrimaha ammaanka, ganacsiga iyo dowlad wanaaga.

Shirkan oo muddo seddax cisho socday, ayaa maalintii koowaad waxaa kulmay ururada bulshadda, maalintii labaad waxaa kulan yeeshay shirkadaha ganacsiga ee gaarka loo lee yahay, waxaana halkaas looga dhawaaqay 33 Bilyan oo dollar.

Maalintii shaley waxaa kulmay madaxweynaha Maraykanka iyo 47 madaxweyne oo Afrika ka socda.

Sidoo kale, waxaa shir kale uu ka dhacay xarunta Bush Institute  waxaana soo qaban qaabiyay shirkaas marwada koowaad ee dalka Maraykanka Michel Obama.

Haddaba shirkan maxaa faa’ido ah oo Soomaaliya ay ka heshay?

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxammuud oo ka mid ahaa madaxda ka qeybgashay shirka ayaa BBC-da u sheegay in shirka Afrika iyo Maraykanak uu guul weyn u ahaa Soomaalida.

Wuxuu sheegay in shirka oo looga hadlay arrimaha Afrika ka sakow uu jiray kulamo gaar gaar ah oo isaga iyo shan wasiir oo la socota ay la yeesheen madaxda iyo shirkadaha dalka Maraykanka.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa xusay in wasiiradiisa oo ay ka mid yihiin, gaashandhigga, maaliyadda iyo arrimaha dibedda ay kulamo la lee yihiin shirkada dalka Maraykanka ku yaalla si Maraykanka uu maalgashto dalka Soomaaliya.

Wax yaabaha ilaa hadda laga hadlay waxaa ka mid ah ayuu yiri siddii ciidamada Soomaaliya loo qalabeyn lahaa, siddii shidaal looga soo saari lahaa dalka iyo in maalgashi ay ku sameystaaan shirkadaha ganacsiga dalka.

Wuxuu sheegay oo kale in qaar ka mid ah wasiirada xukuumadda ay sii joogi doonaan Wanshinton si ay u sii dhammeestiraan kulamada ay la lee yihiin madaxda dlaka Maraykanka.

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Maraykanka iyo Xaasaskooda
Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Maraykanka iyo Xaasaskooda

Sidduu arkaa hadalka Obama uu ka yiri AMISOM?

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxammuud ayaa la weydiiyay sidda uu arko markii uu madaxweyne Obama ka hadlaayay arrimaha Soomaaliya in uu soo hadal qaaday in uu taageero siin doono ciidamada AMISOM isagoona soo hadal qaadin wax qalabeyn ah oo loo fidinaayo ciidamada dowladda.

Wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda aanu isku baahi ahayn, wuxuuu tilmaamay in Soomaaliya laga soo billaabayo meel billow ah balse wuxuu caddeeyay in uu horrey Maraykanka taageero u siiyay Soomaaliya haddana uu diyaar la yahay.

Ugu dambeyn madaxweyne Obama ayaa carabka ku adkeeyay in Maraykanka uu dhisi doono ciidamo gaar ah oo ay lee dahaya Afrika, waxaana lagu billaabi doonaan ciidamadaas waddamo lix oo Afrika ku yaalla, waxaana ka mid ah, Uganda, Ethiopia, Tanzania, iyo Rwanda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Washington DC

Caasimada@live.com