Daawo Sawirrada: COL. BARRE Hiiraale oo soo bandhigay awooddiisa CIIDAN

Goobweyn (Caasimada Online) – Korneyl Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale), ayaa waxa uu tababar u soo gaba gabeeyay ciidan cusub, oo ku soo biiraaya Xoogaga daacada u ah, ee ku sugan Deegaanka Goobweyn oo 11km ka baxsan Magaalada Kismaayo.

Korneyl Barre Aadan Shire, ayaa waxa uu qorsheynayaa weerar uu ku qaado Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, halkaa oo muddo sanad laga jooggo dagaal looga soo saaray.

Sarkaalkaan, ayaa ka soo horjeedo jiritaanka Maamulka Kmg ah ee Jubba, iyadoo uu Axmed Madoobe ku eedeeyay in uu Kismaayo ka wado dhibaatayn ka dhan ah bulshada degan.

Ciidanka Barre Hiiraale, ayaa waxay maanta dhaq dhaqaaqyo ciidan ka sameeyeen inta u dhaxeyso Kismaayo iyo Goobweyn, iyadoo sidoo kalana ay duleedka Kismaayo dhaq dhaqaaqyo ka wadaan Ciidamada Jubba.

Afhayeenka Ciidamada Deegaanka Goobweyn C/rashiid Macalin Gaas, ayaa wuxuu bidhaamiyay inay duulaan ku yihiin Magaalada Kismaayo, isla-markaana ay dadka reer Kismaayo ka dulqaadayaan cadowga ku habsaday, sida uu yiri.

Madaxa Hawlgalada ee Ciidamada Maamulka Kmg ah ee Jubba Iftiin Xasan Baasto, ayaa sheegaaya in ay ka hortaggi doonaan weerarka ay Xoogaga Barre Hiiraale ku yihiin Kismaayo.

Kismaayo waxaa ku sugan Xoogaga Midowga Afrika ee Amisom, cududa ugu badan waxay ka socotaa dalka Kenya, waxaana horey loogu eedeeyay in ay si gaar ah ula safan yihiin Maamulka Axmed Madoobe.

Daawo sawirrada ciidamada Barre Hiiraale

bare 1bare 2bare 3bare 4bare 5bare 6bare 7bare 8bare 9

Isha: Dhacdo.com